{"id":65963,"date":"2022-03-12T04:58:37","date_gmt":"2022-03-12T04:58:37","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=65963"},"modified":"2022-03-12T08:39:38","modified_gmt":"2022-03-12T08:39:38","slug":"al-cadaala-waxa-aan-u-hambalyeynayaa-adeerkey-cabdirahmaan-odowaa-oo-i-matali-doona-4-ta-sano-soo-socota","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/al-cadaala-waxa-aan-u-hambalyeynayaa-adeerkey-cabdirahmaan-odowaa-oo-i-matali-doona-4-ta-sano-soo-socota\/","title":{"rendered":"Al-Cadaala: Waxa aan u hambalyeynayaa Adeerkey Cabdirahmaan Odowaa oo I matali doona 4-ta sano soo socota."},"content":{"rendered":"<p>Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa uu ugu hambalyeynayo kursiga Tirsigiisu yahay <strong>HOP#069<\/strong>.<\/p>\n<p>Al-Cadaala ayaa Gaalkacyo u tagay u tartamidda kursigaan iyada oo aad loogu badaniyey in uu ku soo baxaayo maaddaama uu haystay fursadda ah in uu ku cusub yahay tartanka golaha shacabka iyo in Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ku fadhiyay Baarlamaanadii 9aad iyo 10aad<\/p>\n<p>Kursigaan ayaa doorashadiisa lagu waday in ay dhacdo maanta oo ah 12ka Maarso 2022 balse SEIT Galmudug ayaa dib u dhigay isaga oo shaaciyey in la qabanayo doorashada 13ka Maarso 2022 oo ku beegan Axadda inkasta oo uu yaraanayo loolankii adkaa ee la sadaalinayay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaxaan halkaan uga hambalyaynayaa Adeerkeey Abdurahman Mohamed Hussein oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta Sano ee soo socota insha allaah. Waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga\u201d<\/em><\/strong> ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cGacmaha ayaan isqabsanaynaa horay ayaanan usoconaynaa insha allaah\u201d<\/em><\/strong> ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-2.xx.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/275267378_4958240270932006_7798029439481147092_n.jpg?_nc_cat=107&amp;ccb=1-5&amp;_nc_sid=730e14&amp;_nc_ohc=B76sFx8rqicAX-SdAw1&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-2.xx&amp;oh=00_AT8JwNyxBkGMMOH8vd-zFWRyXIYmQU4ag0U4QIg6zvfGmw&amp;oe=62317C34\" alt=\"May be an image of 2 people and text\" \/><\/p>\n<p>Al-Cadaala ma sheegin in uu isu diiwaangelinayo Kursigaan iyo in uu isaga harayo maadaama uu u hambalyeeyay musharixii uu kula tartami lahaa <strong>HOP#069<\/strong> oo maanta la diiwaangelinayo si doorashada loo qabto berri oo ah 13-ka Maarso 2022.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa uu ugu hambalyeynayo kursiga Tirsigiisu yahay HOP#069. Al-Cadaala ayaa Gaalkacyo u tagay u tartamidda kursigaan iyada oo aad loogu badaniyey in uu ku soo baxaayo maaddaama uu haystay fursadda ah&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":65964,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[80,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65963"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=65963"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65963\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":65975,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/65963\/revisions\/65975"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/65964"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=65963"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=65963"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=65963"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}