{"id":6534,"date":"2018-09-10T11:47:53","date_gmt":"2018-09-10T10:47:53","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=6534"},"modified":"2018-09-10T11:47:53","modified_gmt":"2018-09-10T10:47:53","slug":"mw-farmaajo-dakhliga-gudaha-ee-2017-waxaa-uu-gaaray-140-milyan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mw-farmaajo-dakhliga-gudaha-ee-2017-waxaa-uu-gaaray-140-milyan\/","title":{"rendered":"MW. Farmaajo: &#8221; Dakhliga gudaha ee 2017, waxaa uu gaaray $140 Milyan&#8221;"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kaga hadlay dhinacyada Siyaasadda,Amaanka,Doorashooyinka 2020, dib u eegista Dastuurka iyo qodobo kale.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay qorsheyneyso dhismaha Ciidan qaran oo sida uu sheegay looga seexan karo amniga Qaranka,waxaa kale oo uu sheegay in howlaha dib u eegista Dastuurka iyo doorashada 2020kaay meel wanaagsan marayaan.<\/p>\n<p>Dowladdiisa ayuu sheegay in ay dhameystiri doonto 40 Sharci oo 17 ka mid ah ay hadda gacanta ku hayaan Golaha shacabka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo uu sheegay in qorshaha dowladda ay ka mid tahay dhismaha 17 Guddi iyo Dayactirka 32 Xarumo dowladeed.<\/p>\n<p>Dhinaca Dhaqaalaha Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in sanadkii 2017 dowladda ay dakhli fiican ka ururisay Gudaha kaas oo gaaraya $140 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.<\/p>\n<p>Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay dib u habeynta lagu sameeyay dhaqaalaha in ay sababtay in Midowga Yurub uu $120 Milyan oo doollar u ballan qaaday in uu ku taageerayo Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ah,sidoo kalena waxaa uu sheegay in horumar fiican laga gaaray qorshaha Deyn cafinta,isaga oo sheegay in hadda Soomaaliya lagu leeyahay $5bilyan oo doollarka Mareykanka ah.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kaga hadlay dhinacyada Siyaasadda,Amaanka,Doorashooyinka 2020, dib u eegista Dastuurka iyo qodobo kale. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay qorsheyneyso dhismaha Ciidan qaran oo sida uu sheegay looga seexan karo amniga Qaranka,waxaa kale oo uu sheegay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6465,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6534"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6534"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6534\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6465"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6534"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6534"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6534"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}