{"id":6295,"date":"2018-09-08T09:12:51","date_gmt":"2018-09-08T08:12:51","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=6295"},"modified":"2018-09-08T09:21:00","modified_gmt":"2018-09-08T08:21:00","slug":"cuntooyinka-sababa-in-aad-ku-huruddo-goobta-shaqadasawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/cuntooyinka-sababa-in-aad-ku-huruddo-goobta-shaqadasawirro\/","title":{"rendered":"Cuntooyinka sababa in aad ku huruddo goobta shaqada,Sawirro."},"content":{"rendered":"<p>Xilliyada shaqada waxaa dhacda in dadka qaarkii ay ku Gamaayoodaan (lulmoodaan),goobaha shaqada,taas oo ugu dambeyn sababta in qofka uu ku hurdo Kursiga shaqada.<\/p>\n<p>Haddaba waxaan idin soo gudbineynaa lix cunto oo ay ku badanyihiin maaddooyinka sababa hurdada ama lulmada xilliga shaqada,waxaana ka mid ah;<\/p>\n<p><strong>Caanaha:<\/strong><\/p>\n<figure style=\"width: 619px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.standardmedia.co.ke\/evemedia\/eveimages\/monday\/cvkbsb3twx1bm6kje5a1260691c9c1.jpg\" alt=\"\" width=\"619\" height=\"425\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Caana iyo waxyaabaha lagu mili karo.<\/figcaption><\/figure>\n<p>Cuntooyinka hurdada keena waxaa ka mid ah caanaha,\u00a0 iyo caanaha oo laga sameeyo Farmaajada,Ukunta,Doolshaha iyo wixii la mid ah.<\/p>\n<p>Sababta oo ah Caanaha iyo noocyadan kaleba waxaa ku jira maaddada Tryptophan,taas oo dhalinkarta maaddada serotonin oo isu beddesha melatonin,soona saarta hurdada.<\/p>\n<p><strong>Qamadiga:<\/strong><\/p>\n<figure style=\"width: 627px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.standardmedia.co.ke\/evemedia\/eveimages\/monday\/gjksbytg6q6y5a1260e12c0a8.jpg\" alt=\"\" width=\"627\" height=\"431\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Qamadi\/ Sareen.<\/figcaption><\/figure>\n<p>Qamadiga laga sameeyo Soorta ama Cambuulada \u00a0waxaa uu u wanaagsanyahay \u00a0caafimaadka aroortii ee qofka laakiin sida caanaha oo kale waxaa ku jira maaddooyinka Melatonin iyo Amino Acid oo soo saara hurdada.<\/p>\n<p><strong>Iskudhafka:<\/strong><\/p>\n<figure style=\"width: 597px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/www.standardmedia.co.ke\/evemedia\/eveimages\/monday\/ytkvwzc2qb5halw5a126133395cf.jpg\" alt=\"\" width=\"597\" height=\"410\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Cuntooyinka isku darsan.<\/figcaption><\/figure>\n<p>Isku dhafka waxaa ka mid ah Galleyda,Mooska,Basasha iyo cuntooyin kale oo la isku kariyo kaddibna la cuno shaqada ka hor.<\/p>\n<p>Waxaa ku jira Carbohydrates, oo sababi kara in qofka hurdoodo ama xubnaha qofka gabaan fir fircoonida taas oo horseedi karta\u00a0 Gamaayada ama lulmada.<\/p>\n<p><strong>Mooska:<\/strong><\/p>\n<figure style=\"width: 601px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/www.standardmedia.co.ke\/evemedia\/eveimages\/monday\/ebifbmj1de6cdmv5rc5a12614db2dce.jpg\" alt=\"\" width=\"601\" height=\"413\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Mooska\/Muuska<\/figcaption><\/figure>\n<p>Mooska waxaa ku jirta maaddada magnesium oo aad ugu wanaagsan jirka,laakiin waxaa ay soo saari kartaa hurddo badan.<\/p>\n<p><strong>Malabka:<\/strong><\/p>\n<figure style=\"width: 629px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/www.standardmedia.co.ke\/evemedia\/eveimages\/monday\/vmrp9fynqrkber5a126164d74bf.jpg\" alt=\"\" width=\"629\" height=\"432\" \/><figcaption class=\"wp-caption-text\">Malab.<\/figcaption><\/figure>\n<p>Malabka waxaa ka buuxa sokor badan,taas oo mararka qaar sababta in maskaxda fariisato,qofkana sidaas ku hurdo.<\/p>\n<p>Dhaqaatiirta waxaa ay dadka shaqeeya kula talinayaan in aysan badsan cuntooyinka horseedi kara in qofka fir fircoonida aroortii gabo,gaar ahaan xilliga ka horreeya shaqada ee subaxii ah.<\/p>\n<p><strong>W\/turjumay: Adam Ibrahim Farah<\/strong><\/p>\n<p><strong>Isha:Standardmedia<\/strong><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal Radio<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xilliyada shaqada waxaa dhacda in dadka qaarkii ay ku Gamaayoodaan (lulmoodaan),goobaha shaqada,taas oo ugu dambeyn sababta in qofka uu ku hurdo Kursiga shaqada. Haddaba waxaan idin soo gudbineynaa lix cunto oo ay ku badanyihiin maaddooyinka sababa hurdada ama lulmada xilliga shaqada,waxaana ka mid ah; Caanaha: Cuntooyinka hurdada keena waxaa ka mid ah caanaha,\u00a0 iyo caanaha&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6297,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[86,30],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6295"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6295"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6295\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6297"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6295"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6295"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6295"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}