{"id":6230,"date":"2018-09-07T17:09:22","date_gmt":"2018-09-07T16:09:22","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=6230"},"modified":"2018-09-08T10:49:44","modified_gmt":"2018-09-08T09:49:44","slug":"dowladda-federaalka-oo-qoraal-u-dirtay-madaxda-dowlad-goboleedyada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-federaalka-oo-qoraal-u-dirtay-madaxda-dowlad-goboleedyada\/","title":{"rendered":"Wasiirada Dowlad Goboleedyada oo laga doonayo xisaab cilin"},"content":{"rendered":"<p style=\"text-align: left;\">Warqadda summaddeedu tahay <strong>MOF\/OM\/1316\/18<\/strong>\u00a0soona baxday 05-Sep-2018 oo ay soosaartay wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa looga dalbaday wasiirada maaliyadda ee dowlad-goboleedyada Soomaaliya in ay kasoo xibsaab celiyaan lacagaha ay dowladda dhexe u gudbisay dowlad-goboleedyada muddadii u dhexeysay 1-January-2018- 30-June-2018.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/39FB\/production\/_103334841_maaliyadda.png\" alt=\".\" \/><\/p>\n<p>Warqadda oo uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya mudane C\/raxmaan Beyle ayaa lagu sheegay in xisaab celintu ay shardi u tahay geeddi-socodka deyn cafiska oo ay Soomaaliya kula heshiisay hay&#8217;adda lacagta adduunka IMF, waxa kale oo xaashidan lagu xusay in si loo soo gudbiyo lacag kale ay u baahan tahay in lacagihii hore laga helo xisaab celin dhaqsi ah<\/p>\n<p>Xaashi kale oo kasoo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya May-2018 ayaa dhammaan wasiirada dowlad-goboleedyada waxa looga dalbaday in ay afar bil oo kasta soo sameeyaan xisaab celin kusaabsan lacagaha ay dowladda dhexe ku wareejiso dowlad-goboleedyada.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/CED9\/production\/_103335925_maaliyadda1.png\" alt=\".\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/80B9\/production\/_103335923_maaliyadda2.png\" alt=\".\" \/><\/p>\n<p>Xisaab celinta oo\u00a0 shardi u ah nidaamka daahfurnaanta iyo maamulka maaliyadda islamarkaana kamid ah xeerka maamulka miisaaniyadda dowladda ayaa dowlad-goboleedyada qasab uga dhigaya in ay sameeyaan xisaabcelin, taas oo haddii aanay sameyn u keeni karta sumcad xumo dhinaca maaliyadda ah oo sababi doonta in aan<\/p>\n<p><strong>Awoodda sameynta xisaab celin maaliyadeed ee dowlad-goboleedyada\u00a0<\/strong><\/p>\n<p>Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe oo hadda ah 5 dowlad-goboleed ayaa waxa suuragal ah in hannaankooda maamulka maaliyaddu uu taagdaran yahay, sabbata oo ah muddada ay qaarkood dhisan yihii oo yar iyo caqabadaha hortaagan oo badan.<\/p>\n<p>inkasta oo uu kala badan yahay qarashka xisaabcelinta ee looga baahan yahay dowlad-goboleedyada haddana qaarkood waxa laga rabaa in ay ka soo xisaabceliyaan lacag dhan 900.000 (Sagaal boqol oo kun) oo u dhiganta in ay 150.000 (Boqol iyo kontan kun) qaadanayeen bil walba muddo 6 bil ah<\/p>\n<p><strong>Isha warqadaha: BBC Soomaali<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Warqadda summaddeedu tahay MOF\/OM\/1316\/18\u00a0soona baxday 05-Sep-2018 oo ay soosaartay wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa looga dalbaday wasiirada maaliyadda ee dowlad-goboleedyada Soomaaliya in ay kasoo xibsaab celiyaan lacagaha ay dowladda dhexe u gudbisay dowlad-goboleedyada muddadii u dhexeysay 1-January-2018- 30-June-2018. Warqadda oo uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya mudane C\/raxmaan Beyle&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":5935,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[80,59,81,78,79,77],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6230"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6230"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6230\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5935"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6230"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6230"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6230"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}