{"id":6228,"date":"2018-09-07T12:15:45","date_gmt":"2018-09-07T11:15:45","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=6228"},"modified":"2018-09-07T12:15:45","modified_gmt":"2018-09-07T11:15:45","slug":"baarlamaanka-dowlad-deegaanka-soomaalida-oo-goaamo-ka-gaaray-calanka-iyo-magaca","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/baarlamaanka-dowlad-deegaanka-soomaalida-oo-goaamo-ka-gaaray-calanka-iyo-magaca\/","title":{"rendered":"Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo go&#8217;aamo ka gaaray Calanka iyo Magaca."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Baarlamaanka maanta fadhiistay ay go&#8217;aan ka gaareen Calanka, Heesta Calanka, Magaca iyo tallaabooyinka cusub ee ka dhashay isbadalka.<\/p>\n<p>Xildhibaanada ayaa u codeeyay in la qaato Calankii uu horay u mamnuucay Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka oo dhinac ka lahaa Calanka Soomaaliya, Heesta Calanka oo ah &#8220;Soomaaliyeey Toosoo&#8221; iyo Magaca oo ah in laga reebo Itoobiya laguna soo koobo (Dowlad Deegaanka Soomaalida).<\/p>\n<p>Xildhibaanada qaarkood oo hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku doorteen Calanka iyo Magaca ay tahay in ay muujiyaan Soomaalinimadooda.<\/p>\n<p>Waxa uu tusaale usoo qaatay Qowmiyadaha kale ee Itoobiya oo aan loo raacin Magaca Itoobiya, sidaana ay iyanna u qaateen.<\/p>\n<p>Dhanka kale waxa ay doorteen Afhayeenka Baarlamaanka, Gudoonkiisa, Gudoomiyaha Maxakmadda iyo Ku xigeenkiisa.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kahor inta aan codka Kalsoonida la siin soo jeediyay in dib loogu laabto Calankii Dowlad Deegaanka, Heesta Astaanta iyo Magaca oo uu dhammaantood badalay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda Xabsi ku ah Magaalada Addis Ababa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Baarlamaanka maanta fadhiistay ay go&#8217;aan ka gaareen Calanka, Heesta Calanka, Magaca iyo tallaabooyinka cusub ee ka dhashay isbadalka. Xildhibaanada ayaa u codeeyay in la qaato Calankii uu horay u mamnuucay Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka oo dhinac ka lahaa Calanka Soomaaliya,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":5718,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6228"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6228"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6228\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5718"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6228"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6228"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6228"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}