{"id":6225,"date":"2018-09-07T11:40:49","date_gmt":"2018-09-07T10:40:49","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=6225"},"modified":"2018-09-07T11:40:49","modified_gmt":"2018-09-07T10:40:49","slug":"gaari-ay-wateen-ciidamada-amisom-oo-shabeelaha-hoose-lagu-qarxiyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/gaari-ay-wateen-ciidamada-amisom-oo-shabeelaha-hoose-lagu-qarxiyay\/","title":{"rendered":"Gaari ay wateen Ciidamada AMISOM oo Shabeelaha Hoose lagu qarxiyay."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in la qarxiyay mid kamid ah Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM.<\/p>\n<p>Goobjoogayaal ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in Gaariga Ciidanka AMISOM qaraxa uu ku qabsaday Deegaanka Shalaanbood oo ay xiligaas marayeen.<\/p>\n<p>Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ahaa Miino nuuca dhulka la geliyo, waxaana xigay Rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM inkastoo aan lasoo sheegin Khasaare ka dhashay.<\/p>\n<p>Ciidamada AMISOM ayaa lasoo sheegayaa in ay Muddo goobta ku sugnaayeen, waxaana kolkii dambe gaaray Gurmad ugu yimid Ciidamo kale oo howlgalka Midowga Afrika katirsan.<\/p>\n<p>Gaariga qaraxa qabsaday oo dhaawacyo sababay in uu socon waaye ayaa la sheegayaa in uu soo gaaray, waxaana kolkii dambe lagu jiiday mid kamid ah Gawaarida loo yaqaan Wiishka oo ay wateen Ciidamada.<\/p>\n<p>Wadada isku xirta Afgooye iyo Marka ayaa isticmaalka Shacabka ka joogsaday, waxaana kaliya isticmaala Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM oo qaraxyo iyo Weeraro waddo gal ah kala kulma Al-Shabaab.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imaanaya Deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in la qarxiyay mid kamid ah Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM. Goobjoogayaal ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in Gaariga Ciidanka AMISOM qaraxa uu ku qabsaday Deegaanka Shalaanbood oo ay xiligaas marayeen. Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ahaa Miino nuuca dhulka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6226,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,79],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6225"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6225"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6225\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6226"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6225"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6225"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6225"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}