{"id":62099,"date":"2021-11-24T12:32:04","date_gmt":"2021-11-24T12:32:04","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=62099"},"modified":"2021-11-24T12:32:04","modified_gmt":"2021-11-24T12:32:04","slug":"ahun-jiim-sheekh-muumin-oo-ku-geeriyooday-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/ahun-jiim-sheekh-muumin-oo-ku-geeriyooday-muqdisho\/","title":{"rendered":"AHUN Jiim Sheekh Muumin oo ku geeriyooday Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p>AHUN Muxudiin Sheekh Muumin (Jiim Sheekh Muumin) ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho oo ku xannuunsanaa waayihii dambe sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ehelkiisa.<\/p>\n<p>Marxuum Jiim Sheekh Muumin ayaa ku dhashay Degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya sanadkii 1940-kii, fanka waxa uu soo billaabay 1964dii, waxa uu aqoon u lahaa garaacista Kabanka &amp; laxanka.<\/p>\n<p>AHUN Sheekh Muumin ayaa sidoo kale laxan saari jiray Heesaha ay curiyaan Abwaannada kahor in aanay loo dhiibin fannaanka ku luuqeynaya sida uu ku sheegay Wareysiyo uu siiyay Warbaahinta waqtiyo kala duwan.<\/p>\n<p>Jiim ayaa sheegay in uu ku dhiirageliyay Adeerkiis, laxankii ugu horrreeyay ee uu hees saaray waxa ay ku beegneed 1964-dii afar sanno kaddib markii xorriyadda ay qaadatay Soomaaliya laguna dhawaaqay.<\/p>\n<p>AHUN Jiim Sheekh Muumin ayaa sheegay in uu tagay Gobollada Waqooyi halkaas uu kasii hormariyay fanka gaar ahaan Laxanka &amp; garaacista Miyuusikada Heesaha &amp; Riwaayado kala duwan.<\/p>\n<p>Heesaha uu laxanka saaray AHUN Muxudiin Sheekh Muumin (Jiim Sheekh Muumin) waxaa kamid ah: (Wajiyaal is xasuusta) oo uu sheegay in riyaawaddeeda laxan saarista ay ku qaadatay 3 Cishe.<\/p>\n<p>Madax &amp; shaqsiyaad aqoon u lahaa AHUN Jiim Sheekh Muumin ayaa u tacsiyeeyay Ehelka iyo dadkii fan wadaagga la ahaa Marxuumka oo kaalin weyn ka qaatay hormarinta Suugaanta.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>AHUN Muxudiin Sheekh Muumin (Jiim Sheekh Muumin) ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho oo ku xannuunsanaa waayihii dambe sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ehelkiisa. Marxuum Jiim Sheekh Muumin ayaa ku dhashay Degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya sanadkii 1940-kii, fanka waxa uu soo billaabay 1964dii, waxa uu aqoon u lahaa garaacista Kabanka &amp; laxanka&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":62101,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,74,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62099"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62099"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62099\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62102,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62099\/revisions\/62102"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62101"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62099"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62099"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62099"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}