{"id":6193,"date":"2018-09-06T15:43:49","date_gmt":"2018-09-06T14:43:49","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=6193"},"modified":"2018-09-06T15:43:49","modified_gmt":"2018-09-06T14:43:49","slug":"shirka-golaha-wasiirrada-oo-looga-hadlay-sharciga-doorashooyinka-2020-iyo-dib-u-habaynta-nidaamka-maaliyadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/shirka-golaha-wasiirrada-oo-looga-hadlay-sharciga-doorashooyinka-2020-iyo-dib-u-habaynta-nidaamka-maaliyadda\/","title":{"rendered":"Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Sharciga Doorashooyinka 2020 iyo Dib-u-habaynta Nidaamka Maaliyadda"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020-ka, dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha is-xilqaan.<\/p>\n<p>Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, kahor inta aan la hor-gayn golaha wasiirrada.<\/p>\n<p>Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna golaha uga warbixiyay qorshaha cafinta daymaha, SMP3 oo gebagebo maraya, daabacaadda Shilin Soomaaliga iyo guud ahaan qorshaha dib u habaynta hannaanka maaliyadda dalka.<\/p>\n<p>Xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa ajandayaasheeda ugu waawayn waxaa kamid ah hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah oo sannadka 2020-ka ah ka dhacda dalka si awoodda maamulka loogu celiyo gacanta shacabka oo ay uga taliyaan aayahooda, go\u2019aanna ay uga gaaraan hoggaanka mustaqblka.<\/p>\n<p>Ugu dambayn golaha ayaa war-bixin la xariirta barnaamijka \u201cIs-xilqaan ka dhagaystay Ra\u2019iisul wasaare ku-xigeenka xukuummada, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo madax ka ah guddi loo xil-saaray dardar-gelinta ololaha is-xilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020-ka, dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha is-xilqaan. Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6194,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6193"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6193"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6193\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6194"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6193"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6193"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6193"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}