{"id":61701,"date":"2021-11-12T11:01:35","date_gmt":"2021-11-12T11:01:35","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=61701"},"modified":"2021-11-12T12:47:49","modified_gmt":"2021-11-12T12:47:49","slug":"amisom-oo-dil-ku-xukuntay-askar-dad-rayid-ah-ku-dishay-shabeelaha-hoose","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/amisom-oo-dil-ku-xukuntay-askar-dad-rayid-ah-ku-dishay-shabeelaha-hoose\/","title":{"rendered":"AMISOM oo dil ku xukuntay Askar Dad rayid ah ku dishay Shabeelaha Hoose."},"content":{"rendered":"<p>Howlgalka AMISOM ayaa ku dhawaaqay in lasoo gaba-gabeeyay maxkamadeynta 5-Askari oo katirsan Ciidanka Uganda kuwaas oo loo xiray in ay ka dambeeyeen dil arxan-darro oo ay u geysteen Dad rayid ah.<\/p>\n<p>Ciidan katirsan kuwa Uganda ayaa deegaanka <a href=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/en\/amisom-board-of-inquiry-concludes-investigations-into-unfortunate-civilian-casualties-in-golweyn\/\">Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku toogteen dad rayid<\/a> ah 10-kii August 2021 iyaga oo markii dambe ku qarxiyay miino sida ay sheegeen ehelkooda.<\/p>\n<p>Arrintaan ayaa sababtay dibadbaxyo xooggan oo ay sameeyeen ehelka 7-da ruux ee gacanta Askarta Uganda ku baxay, ku dhawaad 3-bil ayaa meydkooda oo go\u2019go\u2019an lagu hayay Qaboojiye waxaana ugu dambeyn aaskooda dalbatay XFS.<\/p>\n<p>Maxkamadeynta Askartaan ayaa ka socotay Xerada Xalane, labo kamid ah waxaa lagu xukumay dil halka saddexda kale ay qaadanayaan 39-sano oo xabsi ah sida lagu sheegay xukunka Maxkamaddu ay ridday.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Uganda <a href=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/yoweri-musaveni-oo-qiray-in-ciidankiisa-ay-dad-shacab-ah-ku-laayeen-guddaha-soomaaliya\/\"><strong>Yoweri Museveni<\/strong><\/a> ayaa 19-kii August 2021 qirtay in askartiisa ku sugan Gobolka Shabeelaha ay dileen Dad rayid ah, waxaana uu shaaciyay in la xiray askartaas si dacwad loogu soo oogo.<\/p>\n<p>Afhayeenka Beeralleyda Gobolka Shabeellaha Hoose Xuseen Cismaan Waasuge oo ka qaybgalay fadhiyada Maxkamadda ee dhageysiga heerarka kala duwan ee kiiskaan uu soo maray ayaa BBC-da u sheegay in saraakiil ka socda Dowladda Uganda muqdisho ay usoo gaareen maxkamadeynta askartaas.<\/p>\n<p>Xuseen ayaa sheegay in labada sarkaal ee dilka lagu xukumay ay kala yihiin \u201cKabtanka Ciidanka watay &amp; ku xigeenkiisa\u201d, halka Askarigii Meydka mina ku qarxiyay lagu xukumay 39-sano oo xabsi ah sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>AMISOM ayaa dhageysatay hal marqaati oo Soomaali ah kuna sugnaa beerta dadkaan laga soosaaray &amp; 6-askari oo katirsan Ciidanka Uganda ee goobjooga u ahayd dhacdadaan, waxaana sidaas lagu gaaray xukunka lagu riday 5-Askari ee u dhashay Uganda.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Howlgalka AMISOM ayaa ku dhawaaqay in lasoo gaba-gabeeyay maxkamadeynta 5-Askari oo katirsan Ciidanka Uganda kuwaas oo loo xiray in ay ka dambeeyeen dil arxan-darro oo ay u geysteen Dad rayid ah. Ciidan katirsan kuwa Uganda ayaa deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku toogteen dad rayid ah 10-kii August 2021 iyaga oo markii&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":45515,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,79,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61701"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=61701"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61701\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":61715,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61701\/revisions\/61715"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/45515"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=61701"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=61701"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=61701"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}