{"id":61608,"date":"2021-11-09T07:04:09","date_gmt":"2021-11-09T07:04:09","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=61608"},"modified":"2021-11-09T07:04:09","modified_gmt":"2021-11-09T07:04:09","slug":"poland-oo-belarus-ku-eedeysay-in-ay-kusoo-deysay-tahriibayaal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/poland-oo-belarus-ku-eedeysay-in-ay-kusoo-deysay-tahriibayaal\/","title":{"rendered":"Poland oo Belarus ku eedeysay in ay kusoo deysay Tahriibayaal."},"content":{"rendered":"<p>Saraakiil katirsan Dowladda Poland ayaa dhiggooda Belarus ku eedeeyay in ay kusoo faraxeen Tahriibayaal Inta badan dhalasho ahaan kasoo jeeda Qaaradda Afrika oo damacsan in ay usii gudbaan dalal dhaca Qaaradda Yurub.<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhigga Boland ayaa Warbaahinta u sheegay in Belarus ay oodda uga soo qaaday Tahriibayaal si sharci darro ah kusoo galay Dalkaas kuwaas oo kasoo gudbay Xadka Koofureed sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWay iska Caddahay in Belarus ay nagu soo fasaxday Qaxooti tahriibayaal ah oo tiro ahaan u dhaxeeya 3,000 ilaa 10,000, Poland waxa ay si dhaw ula socotaa dhaqdhaqaaqa dhinaca Soohdinta\u201d<\/em><\/strong> ayuu yiri <a href=\"https:\/\/www.irishtimes.com\/news\/world\/europe\/poland-accuses-belarus-over-migrant-provocations-1.4722901\"><strong>Piotr Wawrzyk<\/strong><\/a> oo ah ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Poland.<\/p>\n<p>Afhayeen u hadlay Dowladda Poland ayaa sheegay in Ciidan dheeraad ah la dhigay Xadka si ay uga hortagaan Qulqulka Tahriibayaasha oo marin ka dhigtay Dalkaas iyaga oo kasoo gudbaya soohdinta Belarus.<\/p>\n<p>Inta badan Tahriibayaashaan ayaa damacsan in ay u tallaabaan Jarmalka iyaga oo kasii gudbaya Poland oo ay ka dhigteen marin, balse Xukuumadda Warsaw oo ka cabsi qabta in dib loogu soo celiyo tahriibayaashaan ayaa hortaagan.<\/p>\n<p>Dalalka ay u kala dhasheen Qaxootigaan lama shaacin Laakiin Tahriibayaasha ugu badan ee u jiheysta Qaaradda Yurub ayaa kasoo kala jeeda Soomaaliya, Afghanistan, Suuriya, Eretareeya, Itoobiya &amp; kuwo kale.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Saraakiil katirsan Dowladda Poland ayaa dhiggooda Belarus ku eedeeyay in ay kusoo faraxeen Tahriibayaal Inta badan dhalasho ahaan kasoo jeeda Qaaradda Afrika oo damacsan in ay usii gudbaan dalal dhaca Qaaradda Yurub. Wasiirka Gaashaandhigga Boland ayaa Warbaahinta u sheegay in Belarus ay oodda uga soo qaaday Tahriibayaal si sharci darro ah kusoo galay Dalkaas kuwaas&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":61609,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[30,83,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61608"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=61608"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61608\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":61610,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61608\/revisions\/61610"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/61609"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=61608"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=61608"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=61608"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}