{"id":6114,"date":"2018-09-06T06:01:43","date_gmt":"2018-09-06T05:01:43","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=6114"},"modified":"2018-09-06T06:01:43","modified_gmt":"2018-09-06T05:01:43","slug":"norway-oo-1600-qaxooti-soomaali-ah-dib-u-soo-celineysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/norway-oo-1600-qaxooti-soomaali-ah-dib-u-soo-celineysa\/","title":{"rendered":"Norway oo 1,600 Qaxooti Soomaali ah dib u soo celineysa"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday in 1,600 oo qaxooti Soomaali ah ay dib ugu soo celineyso dalka,waxaana ay dowladdu sheegtay in Soomaaliya hadda ka xasilloon tahay sidii hore.<\/p>\n<p>Waaxda socdaalka Dalka Norway ayaa sheegtay in kaararka qaxootinimo lagala noqnayo dadka Soomaalida ah,iyada oo Hay\u2019ad u dhaq dhaqaaqda Qaxootiga oo taageersan Dowladda Norway ay arrintaas diidday.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha u dooda xuquuqda aadanaha oo ay ka mid tahay (NOAS), ayaa diiday waxaana ay dowlada ku eedeeyeen in ay jabineyso xeerarka caalamiga ah.<\/p>\n<p>Waxaa ay Hay\u2019addan ku doodeysaa in Soomaaliya aysan wali amaan ahayn islamarkaana gaarin heer dib loogu cleiyo muwaaddiniinta Qaxootiga ku ah dalka Norway.<\/p>\n<p>Dowladda Norway ayaa iska dhegatirtay baaqa Hay\u2019adaha u dooda xuquuqda dadka soo galootiga ah ee kaararka qaxootinimo ku heysta dalkaas.<\/p>\n<p>Andr\u00e9 M\u00f8kkelgjerd, oo ka tirsan Hay\u2019adda (NOAS) \u00a0ayaa sheegay in go\u2019aankan dowladda ay Maxkamad kula tiigsanayaan islamarkaana doonayaan in arrintan wax laga qabto.<\/p>\n<p>Waxaase arrintaas mar kale ganafka ku dhuftay Wasiirka arrimaha dibadda dalka \u00a0\u00a0Norway Torkil \u00c5mland ,waxaana uu ka digay Hay\u2019adaha ka soo horjeeda dowladda in ay ka beensheegaan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dowladda Norway.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Norway ayaa ku dhawaaqday in 1,600 oo qaxooti Soomaali ah ay dib ugu soo celineyso dalka,waxaana ay dowladdu sheegtay in Soomaaliya hadda ka xasilloon tahay sidii hore. Waaxda socdaalka Dalka Norway ayaa sheegtay in kaararka qaxootinimo lagala noqnayo dadka Soomaalida ah,iyada oo Hay\u2019ad u dhaq dhaqaaqda Qaxootiga oo taageersan Dowladda Norway ay arrintaas diidday&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6112,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6114"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6114"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6114\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6112"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6114"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6114"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6114"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}