{"id":60629,"date":"2021-10-08T11:47:54","date_gmt":"2021-10-08T10:47:54","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=60629"},"modified":"2021-10-08T11:47:54","modified_gmt":"2021-10-08T10:47:54","slug":"guddiga-laftagareen-u-xilsaaray-dadkii-ay-masaafurisay-somaliland-oo-la-kulmay-qm","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/guddiga-laftagareen-u-xilsaaray-dadkii-ay-masaafurisay-somaliland-oo-la-kulmay-qm\/","title":{"rendered":"Guddiga Laftagareen u xilsaaray Dadkii ay masaafurisay Somaliland oo la kulmay QM."},"content":{"rendered":"<p>Guddiga Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen u xilsaaray Dadka Somaliland ay ka masaafurisay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa la kulmay Wakiilo ka socda Hay\u2019adaha hoostaga Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.6435-9\/245081513_4600328263382566_3436113705958214087_n.jpg?_nc_cat=105&amp;ccb=1-5&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=aTsvL0aLuAgAX-8nf-c&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-1.xx&amp;oh=7ccdb94bf5767c91290aebbbdb88034c&amp;oe=6186EB5F\" alt=\"May be an image of 4 people, people sitting and people standing\" \/><\/p>\n<p>Ku simaha Madaxa guud ee isku xirka arrimaha Gargaarka ahna Madaxa UNICEF Dr Maxamed Ayoya &amp; mas\u2019uuliyiin kale oo ka socday Qaramada midoobay ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha Guddigaan taas oo la xiriira waxyaabaha ay u baahan yihiin laga gacansiiyo.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-2.xx.fbcdn.net\/v\/t1.6435-9\/245020378_4600328346715891_5643602165164452786_n.jpg?_nc_cat=108&amp;ccb=1-5&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=xtpcgLv_HQMAX8E-x6B&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-2.xx&amp;oh=91625c2118b77326420b8d29092488da&amp;oe=6186A59E\" alt=\"May be an image of 2 people, people sitting and indoor\" \/><\/p>\n<p>Guddiga ayaa soo bandhigay tallaabooyinka ugu horreeyo ay qaadayaan maadaama Dadka lasoo masaafuriyay ay yihiin kuwo ka gacmo-maran hantidii ay ku heysteen Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.6435-9\/244741540_4600328440049215_8882875298516829029_n.jpg?_nc_cat=104&amp;ccb=1-5&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=2oJxS2n0PkoAX_Xc5Bx&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-1.xx&amp;oh=271683a15b6d8628ae536046c00bd327&amp;oe=61852C09\" alt=\"May be an image of 1 person and sitting\" \/><\/p>\n<p>Sidoo kale Guddiga ayaa Wakiilada ka socday Qaramada Midoobay u gudbiyay hanjabaadda horleh ee Somaliland u jeedisay in ay ku raafeyso Dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net\/v\/t1.6435-9\/244747938_4600328550049204_4336855291087746597_n.jpg?_nc_cat=111&amp;ccb=1-5&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=xyCt20HHRrEAX_Sx1vA&amp;tn=6kNh90g0gyjluwNB&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-1.xx&amp;oh=a963b5321aa9e0f92ac102a391117285&amp;oe=61858134\" alt=\"May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor\" \/><\/p>\n<p>Wakiilada shirka ku metalay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in madaxda ka sarreysa ay u gudbinayaan warbixinta oo dhammeystiran si gurmad degdeg ah loogu qorsheeyo qoysaskaan awoodda looga soo dhex saaray Goobahooda Ganacsiga &amp; Hoygooda.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-2.xx.fbcdn.net\/v\/t1.6435-9\/244716882_4600328813382511_4632246035090761078_n.jpg?_nc_cat=110&amp;ccb=1-5&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=Jx-sZWWfLW8AX-ier21&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-2.xx&amp;oh=9211238d51debd012fd53fa9363ddd31&amp;oe=618403E2\" alt=\"May be an image of 1 person and sitting\" \/><\/p>\n<p>Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa Somaliland ka dalbaday in ay soo wareejiyo hantida dadka ay soo masaafurisay, halka Dowlad-Goboleedkiisa uu dusha saaranayo mas\u2019uuliyadda dib usoo celinta, dib u dejinta &amp; daboolidda baahiyaha gaarka ah ay qabaan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddiga Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen u xilsaaray Dadka Somaliland ay ka masaafurisay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa la kulmay Wakiilo ka socda Hay\u2019adaha hoostaga Qaramada Midoobay. Ku simaha Madaxa guud ee isku xirka arrimaha Gargaarka ahna Madaxa UNICEF Dr Maxamed Ayoya &amp; mas\u2019uuliyiin kale oo ka socday Qaramada midoobay ayaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":60630,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59,79,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60629"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60629"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60629\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60631,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60629\/revisions\/60631"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60630"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60629"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60629"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60629"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}