{"id":60625,"date":"2021-10-08T11:28:20","date_gmt":"2021-10-08T10:28:20","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=60625"},"modified":"2021-10-08T11:29:14","modified_gmt":"2021-10-08T10:29:14","slug":"koofur-galbeed-amisom-oo-diyaariyay-ciidanka-sugaya-amniga-goobaha-doorashada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/koofur-galbeed-amisom-oo-diyaariyay-ciidanka-sugaya-amniga-goobaha-doorashada\/","title":{"rendered":"Koofur Galbeed &#038; AMISOM oo diyaariyay Ciidanka sugaya amniga Goobaha Doorashada."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Amniga DG Koofur Galbeed Soomaaliya Isxaaq Cali Subug &amp; saraakiil katirsan Howlgalka AMISOM ayaa tababar usoo xiray Ciidan loo qorsheeyay ilaalinta Baydhabo &amp; Baraawe oo lagu qabanayo Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka BFS.<\/p>\n<p>Isxaaq Cali Subag ayaa wada-shaqeynta Ciidanka Soomaalida &amp; kuwa midowga Afrika ku sheegay in ay fure u tahay sugidda Amniga goobaha lagu qabanayo Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee saami ahaanta loo siiyay Koofur Galbeed.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cAmniga Doorashada waa muhiimadda koowaad, ciidamada Koofur Galbeed &amp; AMISOM waxaa loo tababaray ilaalinta goobaha Doorashada, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub &amp; Boqortooyada Ingiriiska ayaa mas\u2019uuliyad gaar ah iska saaray tababarkaan\u201d<\/em><\/strong> ayuu yiri Wasiirka Amniga DG Koofur Galbeed.<\/p>\n<p>Ciidamada Militariga Federaalka, Daraawiishta Koofur Galbeed &amp; AMISOM waxa uu kaalintooda amni sugidda kasoo geliyay deegaannada ka baxsan Magaalooyinka doorashooyinka ay ka dhacayaan halka Booliiska ay xaqiijinayaan nabadgalyada Gudaha sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>DG Koofur Galbeed oo soo dhammeystirtay 8-dii Senator ee ku metalaya Aqalka Sare BFS ayaa sheegtay in dhawaan ay bilaabeyso qabashada Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka si dhankooda howshaas uga soo dhammaato.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Galmudug, Gobollada Waqooyi (Somaliland) &amp; Banaadiriga ugu baaqay in ay soo doortaan Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Amniga DG Koofur Galbeed Soomaaliya Isxaaq Cali Subug &amp; saraakiil katirsan Howlgalka AMISOM ayaa tababar usoo xiray Ciidan loo qorsheeyay ilaalinta Baydhabo &amp; Baraawe oo lagu qabanayo Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka BFS. Isxaaq Cali Subag ayaa wada-shaqeynta Ciidanka Soomaalida &amp; kuwa midowga Afrika ku sheegay in ay fure u tahay sugidda Amniga goobaha lagu&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":60626,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,79,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60625"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60625"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60625\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60628,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60625\/revisions\/60628"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60626"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60625"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60625"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60625"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}