{"id":5967,"date":"2018-09-04T23:19:10","date_gmt":"2018-09-04T22:19:10","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=5967"},"modified":"2018-09-05T06:15:33","modified_gmt":"2018-09-05T05:15:33","slug":"mr-nicholas-haysom-oo-loo-soo-magacaabay-inuu-beddelo-ergayga-qaramada-midoobay-ee-soomaaliya-danjire-michael-keating","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mr-nicholas-haysom-oo-loo-soo-magacaabay-inuu-beddelo-ergayga-qaramada-midoobay-ee-soomaaliya-danjire-michael-keating\/","title":{"rendered":"Mr. Nicholas \u00a0Haysom \u00a0oo loo soo magacaabay inuu beddelo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Michael Keating ."},"content":{"rendered":"<p>Mr. Nicholas &#8220;Fink&#8221; Haysom ayaa loo soo magacaabay inuu beddelo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Michael Keating, \u00a0Dublamaasigan cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa u dhashay dalka Koofur Afrika.<\/p>\n<p>Danjire Michael Keating\u00a0 oo maamulayay \u00a0xafiiska QM ee Somalia \u2013 UNSOM ayaa loo magacaabay xilka uu isaga dagayo \u00a022-kii Bishii November, 2015, Isagoo \u00a0bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Ingiriiska.<\/p>\n<p>Wakiilka cusub ee lagu bedelayo Michael Keating\u00a0 ayaa haatan wuxuu yahay Safiirka Qaramada midoobe ee Dalalka Sudan iyo Koofurta Sudan, iyadoo labadaas dalna Safiir looga dhigay Bishii March ee 2016, Wuxuuna xafiiska si rasmi ah u fariistay Jully.<\/p>\n<p>Sidoo kale, ergaygan cusub ee bedelaya danjire Michael Keating , Wuxuu \u00a0ahaa Wakiilkii Qaramada Midoobe ee dalka Afghanistan \u00a025-kii September 2014, Sidoo kale Nicholas &#8220;Fink&#8221; Haysom \u00a0waa Qareen diirada saara arimaha dimuqraadiyada.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay ayaan weli ka hadlin arrinta ku saabsan inay ergaygeeda Soomaaliya uga wakiilka ah Danjire Michael Keating\u00a0 \u00a0ay bedelayso, balse ilo wareedyo kale ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in xafiiska UNSOM ee Somalia loo magacaabi doono ergay cusub oo South Afrikaanka Cadaanka ah.<\/p>\n<p>Ergayga cusub ee lagu bedelayo Danjire Michael Keating\u00a0 \u00a0ayaa wuxuu xilka la wareegi doonaa marka uu sannadkan dhamaadka ku dhowyahay, maadaama xilliga shaqo ee Danjire Keating ku eg-tahay Bisha \u00a0December 2018-ka.<\/p>\n<p>Dhanka kale, ergayga cusub ee lagu bedelayo ergayga Qaramada Midoobe \u00a0ee Soomaaliya Mr. Nicholas &#8220;Fink&#8221; Haysom \u00a0ayaa wuxuu yahay 66 sano jir, Isagoo dhashay April 21, 1952.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, Danjire Michael \u00a0Keating\u00a0 ayaa tan iyo markii loo magacaabay inuu ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya noqdo, wuxuu xoogga saaray sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho Qof iyo Cod ah marka la gaaro sannadka 2020-ka ee nagu soo wajahan, waloow aan la ogeyn sida doorashadaas aanu xaadirka ka eheyn noqon doonto.<\/p>\n<p>Si kastaba, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa waxay shaqadiisu tahay inuu dhanka siyaasada ka caawiyo dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu gacan ka geysto dar-dar-gelinta howlgallada ciidamada AMISOM ay ka wadaan Somalia.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mr. Nicholas &#8220;Fink&#8221; Haysom ayaa loo soo magacaabay inuu beddelo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Michael Keating, \u00a0Dublamaasigan cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa u dhashay dalka Koofur Afrika. Danjire Michael Keating\u00a0 oo maamulayay \u00a0xafiiska QM ee Somalia \u2013 UNSOM ayaa loo magacaabay xilka uu isaga dagayo \u00a022-kii Bishii November, 2015, Isagoo \u00a0bedelay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":5968,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5967"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5967"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5967\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5968"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5967"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5967"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5967"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}