{"id":59021,"date":"2021-08-19T06:02:34","date_gmt":"2021-08-19T05:02:34","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=59021"},"modified":"2021-08-19T06:02:34","modified_gmt":"2021-08-19T05:02:34","slug":"yoweri-musaveni-oo-qiray-in-ciidankiisa-ay-dad-shacab-ah-ku-laayeen-guddaha-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/yoweri-musaveni-oo-qiray-in-ciidankiisa-ay-dad-shacab-ah-ku-laayeen-guddaha-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Yoweri Musaveni oo qiray in ciidankiisa ay dad shacab ah ku &#8216;laayeen&#8217; guddaha Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Musaveni ayaa qirtay in askartiisa ku sugan Soomaaliya ay dad shacab ah gobolka Shabeellaha Hoose ee Koofur Galbeed Soomaaliya.<\/p>\n<p>Musavani ayaa sheegay in ciidamadu ay dilka geysteen xili ay careysnaayeen, isagoona intaasi ku daray in la xiray askartii dilka geysatay, islamarkaana dacwad lagu soo oogi doono sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cDhawaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay,\u201d<\/em><\/strong> ayuu yiri madaxweynaha Uganda.<\/p>\n<p><strong><em>&#8220;Qofna yuusan ku labisan dharka ciidamada qalabka sida isaga oo aan ixtiraamin dadka, Lama oggola inaad garaacdo qof &#8230; xitaa dambiilayaasha,&#8221;<\/em><\/strong> ayuu ku celceliyay.<\/p>\n<p><em><strong>&#8220;Dhammaan khaladaadkaan ku jira hawlgallada ciidamada amniga waxaa sabab u ah anshax \u2013xumo\u201d<\/strong><\/em> ayuu hadlkiisa raaciyay.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa uu sheegay in magdhow ay siin doonaan ehelada dadkii ay ciidamada dalkiisu ku dileen Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<p>Toddobaad ka hor ayey aheyd markii ay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ay dad shacab ahaa ku rasaaseeyeen qeybo ka mid ah gobolkaas, kadib markii qarax miino lagula eegtay agagaarka Shalanbood.<\/p>\n<p>Ciidanka Uganda ayaa galay beer ay ku sugnaayeen 4 shaqaale ah iyo ninkii iska lahaa, sidoo kalena ay waxay wadada ka qabteen labo darawal, kuwaasi oo hal goob isugu geeyeen, ayna rasaas ku laayeen, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha deegaanka Shalanbood.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Musaveni ayaa qirtay in askartiisa ku sugan Soomaaliya ay dad shacab ah gobolka Shabeellaha Hoose ee Koofur Galbeed Soomaaliya. Musavani ayaa sheegay in ciidamadu ay dilka geysteen xili ay careysnaayeen, isagoona intaasi ku daray in la xiray askartii dilka geysatay, islamarkaana dacwad lagu soo oogi doono sida uu hadalka u dhigay&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":59022,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59021"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59021"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59021\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59023,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59021\/revisions\/59023"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59022"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59021"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59021"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59021"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}