{"id":58481,"date":"2021-08-01T20:19:31","date_gmt":"2021-08-01T19:19:31","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=58481"},"modified":"2021-08-01T20:19:31","modified_gmt":"2021-08-01T19:19:31","slug":"raiisul-wasaare-rooble-oo-aqbalay-cod-uga-yimid-gudoomiyaha-aqalka-sare","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/raiisul-wasaare-rooble-oo-aqbalay-cod-uga-yimid-gudoomiyaha-aqalka-sare\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul wasaare Rooble oo aqbalay cod uga yimid gudoomiyaha Aqalka sare."},"content":{"rendered":"<p>Ra&#8217;iisul wasaaraha xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.<\/p>\n<p>Sida uu shaaciyey xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda, wadahadalka ayaa diiradda lagu saarey sidii xal waara looga heli lahaa is-mari-waaga doorashooyinka gaar ahaan kuraasta xubnaha Somaliland ku leeyihiin aqalka Senate-ka<\/p>\n<p>Qoraalka ayaa lagu sheegay in Cabdi Xaashi uu codsadey in la siiyo hal maalin dheeraad ah &#8220;<strong><em>maadaama laga sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi&#8221;.<\/em><\/strong><\/p>\n<p>War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: <strong><em>&#8220;Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra\u2019iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra\u2019iisul Wasaaruhu ka aqbalay&#8221;.<\/em><\/strong><\/p>\n<blockquote class=\"twitter-tweet\" data-width=\"550\" data-dnt=\"true\">\n<p lang=\"tl\" dir=\"ltr\">Ra\u2019iisul Wasaare <a href=\"https:\/\/twitter.com\/MohamedHRoble?ref_src=twsrc%5Etfw\">@MohamedHRoble<\/a> ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi &amp; RW ku-xigeenka dalka <a href=\"https:\/\/twitter.com\/KhadarGulaid?ref_src=twsrc%5Etfw\">@KhadarGulaid<\/a> oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan doorashada guddoonka Guddiga  doorashooyinka ee Gobollada Woqooyi. <a href=\"https:\/\/t.co\/inlzMIYT8Q\">pic.twitter.com\/inlzMIYT8Q<\/a><\/p>\n<p>&mdash; SomaliPM (@SomaliPM) <a href=\"https:\/\/twitter.com\/SomaliPM\/status\/1421887576282124290?ref_src=twsrc%5Etfw\">August 1, 2021<\/a><\/p><\/blockquote>\n<p><script async src=\"https:\/\/platform.twitter.com\/widgets.js\" charset=\"utf-8\"><\/script><\/p>\n<p>Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiinta gobolada waqooyi ay maanta ku eedeeyeen Rooble in uusan si cadaalad ah u maareyn muranka oo kamid ah sababaha daahiyey xulista wakiiladda maamulka Somaliland.<\/p>\n<p>Xukuumadda Ra\u2019iisul wasaare Rooble ayaa horey uga dhawaajisay in ay ka shaqeyneyso sidii xal ooga gaari lahaa, hase ahaatee, waxaa muuqaneysa in kala aragti-duwanaanta iyo kala qeybsanaanta wali jirto.<\/p>\n<p>Siyaasiyiinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ayaa hadda u kala qeybsan laba garab oo ay kala hogaaminayaan ra&#8217;iisul wasaare ku xigeenka wadanka Mahdi Guuleed, iyo afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyada oo qadiyada khilaafka Somaliland ka mid tahay caqabadaha hortaagan doorashadda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra&#8217;iisul wasaaraha xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed. Sida uu shaaciyey xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda, wadahadalka ayaa diiradda lagu saarey sidii xal waara looga heli lahaa is-mari-waaga doorashooyinka gaar ahaan kuraasta xubnaha Somaliland ku leeyihiin&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":58483,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58481"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58481"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58481\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58484,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58481\/revisions\/58484"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58483"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58481"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58481"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58481"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}