{"id":5809,"date":"2018-09-03T08:05:43","date_gmt":"2018-09-03T07:05:43","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=5809"},"modified":"2018-09-03T08:05:43","modified_gmt":"2018-09-03T07:05:43","slug":"barcelona-oo-burburisay-sd-huesca","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/barcelona-oo-burburisay-sd-huesca\/","title":{"rendered":"Barcelona oo burburisay SD Huesca."},"content":{"rendered":"<p>Kooxaha Barcelona ayaa guul raaxa leh ka gaartay kulankeeda saddexaad ee horyaalka La Liga xili ciyaareedkan dhigeeda Huesca oo marti ku ahayd garoonka Cump Nou, kadib markii ay ku xasuuqday 8-2.<\/p>\n<p>Kooxaha Barcelona iyo Huesca ayaa kulanka oo ahaa koodii saddexaad ee horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan ku bilaawday si cajiib ah waxaana labada dhinac soo martay fursado cajiib ah.<\/p>\n<p>Qeybtii hore ee ciyaarta kooxda martida ahayd ee Huesca ayaa kaga naxsatay Barcelona goolka daah furka ciyaarta waxaana u dhaliyay Juan Camilo Hernandez, daqiiqadii 3-aad, kadib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Samuele Longo.<\/p>\n<p>Laakiin kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta u keenay goolka barbaraha kadib markii uu caawin ka helay Ivan Rakitic wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1.<\/p>\n<p>Isla qeybta hore ciyaarta kooxda Barcelona ayaa heshay goolkeeda 2-aad ee ciyaarta daqiiqadii 24-aad wuxuuna goolkan ahaa miduu iska dhaliyay laacibka kooxda Huesca Jorge Pulido.<\/p>\n<p>Markale Barcelona ayaa la timid goolkeeda 3-aad daqiiqadii 39-aad waxaana markan u dhaliyay Luis Suarez oo isna markiisa caawin ka helay Jordi Alba ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3-1.<\/p>\n<p>Laakiin ku dhawaad dhamaadka qeybtii hore ee ciyaarta kooxda Huesca ayaa la timid gool daqiiqadii 42-aad waxaana u dhaliyay laacibkooda Alex Gallar kaasoo ciyaarta ka dhigay 3-2.<\/p>\n<p>Qeybtii hore ciyaarata ayaa lagu kala nastay 3-2 ay ku hogaamineyso Barcelona oo kulankan ku ciyaareesay garoonkeeda Cump Nou.<\/p>\n<p>Laakiin marka dib leysugu soo laabtay qeybtii labaad kooxda Barcelona ayaa kusoo gashay ciyaarta si der der ah, si ay natiijo fiican kaga gaarto kulankan.<\/p>\n<p>Daqiiqadii 48-aad Barcelona ayaa heshay goolkeedii 4-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay laacibkeeda da\u2019ada yar ee reer France Ousmane Dembele oo ciyaarta ka dhigay 4-2, waxaana goolkan ka caawiyay Luis Suarez.<\/p>\n<p>Intaas kadib kooxda martida ahayd ee Huesca ayaa u muuqatay mid aad u niyad jabtay kadib markii uu Ivan Rakitic ka dhaliyay daqiiqadii 52-aad goolkii 5-aad ee ciyaarta, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 5-2.<\/p>\n<p>Laakiin sheeko waxay is badashay kadib marka uu Lionel Messi daqiiqadii 61-aad uu ka dhaliyay goolkii 6-aad ee ciyaarta, ahna goolkiisii 2-aad ee kulankan, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 6-2, xili caawinta goolkan uu lahaa Philippe Coutinho.<\/p>\n<p>Kulankan oo ahaa mid hal dhinac kaliya ah ayay markale Barcelona la timid goolkeedii 7-aad daqiiqadii 81 waxaana u dhaliyay difaaceeda garabka bidix ee Jordi Alba oo ciyaarta ka dhigay 7-2, kadib markii uu kubadan si qurux bdan kaga soo shaqeeyay Messi.<\/p>\n<p>ugu dambeyn gaba gabada ciyaarta Barcelona ayaa markale heshay rigoodhe uu garsoorka ciyaarta ku abaal maray kadib qalad lagu galay Suarez waxaana ugu dambeyn gool u badal daqiiqadii 90-aad Luis Suarez oo ciyaarta ka dhigay 8-2.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kooxaha Barcelona ayaa guul raaxa leh ka gaartay kulankeeda saddexaad ee horyaalka La Liga xili ciyaareedkan dhigeeda Huesca oo marti ku ahayd garoonka Cump Nou, kadib markii ay ku xasuuqday 8-2. Kooxaha Barcelona iyo Huesca ayaa kulanka oo ahaa koodii saddexaad ee horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan ku bilaawday si cajiib ah waxaana labada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5813,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5809"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5809"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5809\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5813"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5809"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5809"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5809"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}