{"id":5802,"date":"2018-09-03T07:33:32","date_gmt":"2018-09-03T06:33:32","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=5802"},"modified":"2018-09-03T07:34:19","modified_gmt":"2018-09-03T06:34:19","slug":"maxkamadda-ciidanka-oo-xukun-ku-ridday-afar-qof-oo-midi-tahay-haweeney","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxkamadda-ciidanka-oo-xukun-ku-ridday-afar-qof-oo-midi-tahay-haweeney\/","title":{"rendered":"Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday afar qof oo midi tahay haweeney"},"content":{"rendered":"<p>Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii\u00a0 Bishii 4aad\u00a0 ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay \u00a0Alshabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib\u00a0\u00a0 ku wareejiyeen Hey\u2019adaha Baarista, waxa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda ay soo galaan Eedeysanayaasha kale ah; \u00a0Waris Maxamed Cumar,\u00a0 Xasan Cali\u00a0 Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.<\/p>\n<p>Hey\u2019adaha Baarista\u00a0 ayaa intaas kadib u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta weydiistteen Maxkamadda in loo gudbiyo\u00a0 Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe\u00a0\u00a0 si ay\u00a0 u soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.<\/p>\n<p>Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas kadib sii guda galay baaritaanka eedaha loo heysto Eedeysanayaasha, waxaana eedeysanaha koowaad Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa \u00a0Alshabaab, waxa uu qirtay in uu ku biiray Alshabaab 2015, waxa ay sidoo kale Xafiiska soo cadeeyeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow uu kamid ahaa kun dhallinyara ah oo\u00a0 shaqaalaha Maamulka gobalka Benaadir\u00a0\u00a0 kaga soo biiray degmada Howlwadaag xilligaasi oo ay u suura gashay in uu sii wado shaqada \u00a0uu ku haayay Al-shaba isagoo gudbin jiray liiska magacyada ganacsatada ee bixiya adeegyada dowladdu ku leedahay, waxa\u00a0 ay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in uu Alshabaab u soo qabtay howlaha Jabhadeynta iyo Wardoonka oo uu isaga ku qiray Qiraalkiisa.<\/p>\n<p>Waris Maxamed Cumar ayaa iyada loo heysta in ay aheyd keyd hayaha Hubka \u00a0Alshabaab sida bam-booyinka gacanta laga tuuro, waxa ay sidoo kale cadeysay in Alsabaab ay ku biirrtay 2011 oo hubka \u00a0bambooyinka ay isaga gudbin\u00a0 jirtay Ceelasha iyo Magaaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Xasan Cali\u00a0 Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayaa iyagana loo heystaa kamid ahaansiyada Al-shabab \u00a0sidoo kale waxaa loo heystaa in ay u soo dagaalameen Alshabaab .<\/p>\n<p>Maxkamadda Ciidamada ayaa iyada oo kiiskan u Fariisatay laba jeer, Markii hore ayaa aheyd 11 bishii 8aad, waxaana xilligaas garsoorayaasha ay Xafiiska \u00a0Xeer Ilaalinta ka dalbadeen in ay soo dhameystiraan Cadeymaha kiiska.<\/p>\n<p>27 bishii 8aad ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxaana Xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen, cadeymo ay kamid yihiin nin dhaawac uu horey ugu geystaya Maxamed Cabdullahi Maxamed Cadow.<\/p>\n<p>Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn go\u2019aan ka soo saartay,\u00a0 kadib Markii ay dhageysteen Qiraalka Eedeysanayaasha, Doodda dhinacyada Dacwadda ee aheyd muujinta dambiyada loo heysto iyo Qareenada oo ku doodayay in loo fududeeyo\u00a0 xukunnada maadaama ay kala culusyihiin\u00a0 shaqooyinka ay ka dhex hayeen Alshabaab, sidaas darteed ayay garsoorayaasha go\u2019aan ku gaareen in eedeysnayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambiga\u00a0 lagu\u00a0 soo oogay, waxa ayna ku kala xukuntay Maxkamadda.<\/p>\n<p>Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah<\/p>\n<p>Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xasan Cali\u00a0 Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay kuwada xukuntay min 1(hal) sano oo xabsi ciidan ah.<\/p>\n<p>Sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda G\/dhaxe Xasan Cabdirxmaan Aadan (Wabiyow).<\/p>\n<p>Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii\u00a0 Bishii 4aad\u00a0 ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay \u00a0Alshabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib\u00a0\u00a0 ku wareejiyeen Hey\u2019adaha Baarista, waxa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda ay soo galaan Eedeysanayaasha kale ah; \u00a0Waris Maxamed Cumar,\u00a0 Xasan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":2777,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5802"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5802"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5802\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2777"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5802"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5802"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5802"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}