{"id":5690,"date":"2018-09-02T09:50:19","date_gmt":"2018-09-02T08:50:19","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=5690"},"modified":"2018-09-02T09:50:19","modified_gmt":"2018-09-02T08:50:19","slug":"juventus-oo-guul-muhiim-u-ah-ka-gaartay-parma-iyo-ronaldo-oo-aan-wali-shabaqa-soo-taaban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/juventus-oo-guul-muhiim-u-ah-ka-gaartay-parma-iyo-ronaldo-oo-aan-wali-shabaqa-soo-taaban\/","title":{"rendered":"Juventus Oo Guul muhiim u ah ka gaartay Parma iyo Ronaldo oo aan wali shabaqa soo taaban."},"content":{"rendered":"<p>Kooxda juventus ayaa guul ka gaadhay kooxda u soo dalacday horyaalka Serie A-da ee Parma xilli uu Cristiano Ronaldo mar kale ku fashilmay in uu gool dhaliyo.<\/p>\n<p>Juventus ayaa daqiiqadii 2-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Mario Mandzukic kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.<\/p>\n<p>Si kasta ha ahaatee kooxd Parma ayaa keentay goolka bar-baraha kadib dagaal badan oo ay u gashay sidii ay u keeni lahayd goolka laga dhaliyay bilowgii ciyaarta.<\/p>\n<p>Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Gervinho ayaa dhaliyay goolka bar-baraha daqiiqadii 33-aad isaga oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1\/1 ah.<\/p>\n<p>Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood isku dhaafi waayeen kuna heshiiyeen in ay qaybta nasashada sidaas ku aadaan.<\/p>\n<p>Qaybtii dambe ayuu dhashay kulanka 2-aad ee kooxda Juventus iyaga oo uu daqiiqadii 58-aad u dhaliyay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Blaise Matuidi.<\/p>\n<p>Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Juventus sidaas ku gaadhay guusheedii 3-aad oo xiriir ah inkasta oo uuna Cristiano Ronald wax gool ah dhalin ilaa haatan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kooxda juventus ayaa guul ka gaadhay kooxda u soo dalacday horyaalka Serie A-da ee Parma xilli uu Cristiano Ronaldo mar kale ku fashilmay in uu gool dhaliyo. Juventus ayaa daqiiqadii 2-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Mario Mandzukic kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa. Si&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5693,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5690"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5690"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5690\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5693"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5690"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5690"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5690"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}