{"id":5687,"date":"2018-09-02T09:40:27","date_gmt":"2018-09-02T08:40:27","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=5687"},"modified":"2018-09-02T09:40:27","modified_gmt":"2018-09-02T08:40:27","slug":"man-city-oo-guul-dirqi-ah-ka-gaartay-newcastle-united","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/man-city-oo-guul-dirqi-ah-ka-gaartay-newcastle-united\/","title":{"rendered":"Man City oo guul dirqi ah ka gaartay Newcastle United."},"content":{"rendered":"<p>Kooxda Man City ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Newcastle United kulan ka dhacay garoonka Etihad Stadium kana tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 4-aad.<\/p>\n<p>Kooxda Man City ayaa ku dhibaatootay kulanka oo ay kooxda Newcastle daafaca ku jirtay una diiday City in ay goolal ka dhaliso si fiicana u difaacanaysay Goolkeeda.<\/p>\n<p>City ayaa daqiiqadii 8-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Raheem Sterling kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.<\/p>\n<p>Kooxda Newcastle ayaa bilowday sidii ay u keeni lahayd goolka abr-baraha waxana ay qaaday weeraro ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolka bar-baraha ee kulanka.<\/p>\n<p>Daqiiqadii 30-aad ayay Newcastle dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdaas ee DeAndre Yedlin kaas oo ciyaarta ka dhigay 1\/1.<\/p>\n<p>Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen sidaasna ku aadeen qolka nasashada si ay ula soo tashadaan tababarayaashooda.<\/p>\n<p>Qaybtii dambe ayay kooxda Man City ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadainayay goolkii ay mar kale hogaanka ugu qaban lahaayeen iyaga oo aan kala joojin weerarka.<\/p>\n<p>City ayaa daqiiqadii 52-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Kyle Walker kaas oo dhaliyay gool gantaal ah.<\/p>\n<p>Kooxda Man City ayaa heshay fursado aad u badan oo ay ku dhalinkartay goolal laakiin waxa u suurtagaliwayday in ay gool u badalaan soona taabtaan shabaqada.<\/p>\n<p>Waxa sidaas ku dhamaaatay ciyaarta oo ay kooxda Man city si diriq ah ku badisay kuna gaadhay guusheedii 3-aad ee horyaalka premier League.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kooxda Man City ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Newcastle United kulan ka dhacay garoonka Etihad Stadium kana tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 4-aad. Kooxda Man City ayaa ku dhibaatootay kulanka oo ay kooxda Newcastle daafaca ku jirtay una diiday City in ay goolal ka dhaliso si fiicana u difaacanaysay Goolkeeda. City ayaa daqiiqadii&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":5688,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5687"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5687"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5687\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5688"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5687"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5687"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5687"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}