{"id":55330,"date":"2021-04-30T07:52:34","date_gmt":"2021-04-30T06:52:34","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=55330"},"modified":"2021-04-30T07:52:34","modified_gmt":"2021-04-30T06:52:34","slug":"diyaargarowga-kulanka-golaha-shacabka-ee-1-da-may-2021","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/diyaargarowga-kulanka-golaha-shacabka-ee-1-da-may-2021\/","title":{"rendered":"Diyaargarowga Kulanka Golaha Shacabka ee 1-da May 2021."},"content":{"rendered":"<p>Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka BFS ayaa Mustaqbal u sheegay in uu socdo diyaargarowga fadhigooda berri 1-da May 2021 oo ay ku dhageysanayaan khudbadda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo habeenkii Talaadada 27-ka April 2021 shaaciyay in uu kala hadlayo Sharciga jiheynta Doorashooyinka &amp; dib usoo celinta wadahadalkii Afisiyooni ee Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada &amp; Gobolka Banaadir u socday.<\/p>\n<p>Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Xildhibaannada dalka ka maqan ka dalbaday in ay degdeg usoo laabtaan kahor 1-da May 2021 si ay qayb uga noqdaan go\u2019aanka codka gacan-taagga ah ee uu Golaha Shacabka ku laalayo Sharciga Jiheynta oo 12-kii April 2021 Villa Hargeysa ku ansixiyay kadib markii Madaxtooyada Soomaaliya soo jeedisay in waqti dheereysi labo sano ah uu qalinka ku duugo Baarlamaanka balse tallaabadaas waxaa kahor yimid QM, AU, EU, IGAD, Musharixiinta, Siyaasiyiin &amp; dhinacyo kala duwan.<\/p>\n<p>Kulankaan oo ah mid indhaha lagu wado waxa uu fure u yahay fadhiga wadahadalka maadaama 28-kii April 21 uu soo baxay shaki ka dhashay in kulanka Golaha Shacabka la horgeynayo Mooshin degdeg ah oo ka dhan ah Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya balse waxaa arrintaas jiritaankeeda beeniyay Guddoonka Baarlamaanka oo xaanshi uusoo saaray ku muujiyay wax kama jiraanka warkaas.<\/p>\n<p>Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa go\u2019aan weliba kadib dib ugu laabanayay Golaha Shacabka laga soo bilaabo July 2020 oo xilgaas ku beegan bilawgii shirarkii Dhuusamareeb ee sababta u ahaa in Madaxda Federaalka &amp; Dowlad-Goboleedyada ay is afgartaan ilaa bishii September 2020 Muqdisho ku saxiixdaan heshiiska salka u ah arrimaha Doorashooyinka.<\/p>\n<p><strong><em>Haddaba maxaa laga fili karaa kulanka Golaha Shacabka BFS uu ku hortagayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday?<\/em><\/strong><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka BFS ayaa Mustaqbal u sheegay in uu socdo diyaargarowga fadhigooda berri 1-da May 2021 oo ay ku dhageysanayaan khudbadda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo habeenkii Talaadada 27-ka April 2021 shaaciyay in uu kala hadlayo Sharciga jiheynta Doorashooyinka &amp; dib usoo celinta wadahadalkii Afisiyooni ee Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada &amp;&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":46056,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55330"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=55330"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55330\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":55331,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55330\/revisions\/55331"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/46056"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=55330"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=55330"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=55330"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}