{"id":55069,"date":"2021-04-24T06:19:47","date_gmt":"2021-04-24T05:19:47","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=55069"},"modified":"2021-04-24T06:21:01","modified_gmt":"2021-04-24T05:21:01","slug":"wasiir-ku-xigeenka-gaashaandhigga-amisom-sharci-uma-heysato-la-socodka-dhaqdhaqaqa-ciidanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wasiir-ku-xigeenka-gaashaandhigga-amisom-sharci-uma-heysato-la-socodka-dhaqdhaqaqa-ciidanka\/","title":{"rendered":"Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga: \u201cAMISOM Sharci uma heysato la socodka dhaqdhaqaqa Ciidanka\u201d."},"content":{"rendered":"<p>Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo ka hadlay Munasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka falceliyay fariin Golaha amniga &amp; nabadgalyada Midowga Afrika uu Askarta AMISOM ku faray la socdka dhaq-dhaqaaqa Ciidanka Soomaalida.<\/p>\n<p>Cabdifitaax ayaa Sumcad dil ku tilmaamay go\u2019aankaas maadaama waajibaadka AMISOM aysan qayb ka ahayn sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaas ku daray in aysan aqli doonin dalabkaas oo ay soo jeedintiisu leeyihiin Dowlado uusan sheegin.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cAU-da waxa ay soosaartay\u00a0 in Ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Ciidanka Soomaalida, Ciidamadii aan rabnay in ay ka madax-bannaanaadaan miyaa la hoos geynayaa, shaqadoodu waa in ay ilaaliyaan xarumaha Dowladda, Madaxda &amp; la dagaalanka Argagixisada, ma dareymeysaan in Dowladaha qaar ee deriska ah ee aan dareyneen in ciidan xooggan ay dhisato Soomaaliya in ay ka dambeeyaan\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim ayaa ku faanay in muddo afar sanno oo sharci ah &amp; bilooyinka dheeraad ah oo ay jirto Dowladda waqtigeedu dhammaaday in joogto loo siiyo mushaar Askarta Dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Soo jeedinta keentay in Ciidanka dhaq-dhaqaaqooda lala socda ayaa ka dhalatay Weerarkii 19-kii September 2021 lagu qaaday Hoteel ay degenayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed &amp; Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan, waxaana isla taariikhdaas Ciidanku rasaaseeyeen dibadbax ay qayb ka ahaayeen xubno xilal kala duwan dalka kasoo qabtay oo musharixiinta katirsan.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim oo ka hadlay Munasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka falceliyay fariin Golaha amniga &amp; nabadgalyada Midowga Afrika uu Askarta AMISOM ku faray la socdka dhaq-dhaqaaqa Ciidanka Soomaalida. Cabdifitaax ayaa Sumcad dil ku tilmaamay go\u2019aankaas maadaama waajibaadka AMISOM aysan qayb ka ahayn sida uu hadalka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":55070,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,83,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55069"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=55069"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55069\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":55073,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55069\/revisions\/55073"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/55070"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=55069"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=55069"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=55069"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}