{"id":54468,"date":"2021-04-12T14:33:15","date_gmt":"2021-04-12T13:33:15","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=54468"},"modified":"2021-04-12T14:47:24","modified_gmt":"2021-04-12T13:47:24","slug":"farmaajo-oo-qaaday-talaabo-lagu-burburinayo-heshiiskii-17-sebtember-2021","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/farmaajo-oo-qaaday-talaabo-lagu-burburinayo-heshiiskii-17-sebtember-2021\/","title":{"rendered":"Farmaajo oo qaaday talaabo lagu burburinayo heshiiskii 17 Sebtember 2021."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay talaabada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ugu codeeyay in muddo aan ka badnayn laba sano ay xilka sii haynayaan hay\u2019adaha dawladda si doorasho toos ah dalka looga qabto.<\/p>\n<p>Farmaajo ayaa sheegay in talaabadaan golaha shacabku qaaday ka dib markii Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Faderaalka ku guuldareysteen in ay taageeraan hirgelinta heshiiskii ugu horreeyay ee Sebtember 17, 2020 sida lagu sheegay bayaan lagu faafiyay baraha bulshada oo u muuqday mid horay loo sii diyaariyay.<\/p>\n<p><strong>Halkaan ka aqri qoraalka Villa Somalia<\/strong><\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.<\/p>\n<p>Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga faa\u2019iideysan lahaayeen fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay\u2019adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi\u2019da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>DHAMMAAD<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay talaabada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ugu codeeyay in muddo aan ka badnayn laba sano ay xilka sii haynayaan hay\u2019adaha dawladda si doorasho toos ah dalka looga qabto. Farmaajo ayaa sheegay in talaabadaan golaha shacabku qaaday ka dib markii Dowlad-goboleedyada xubnaha ka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":54469,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54468"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=54468"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54468\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/54469"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=54468"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=54468"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=54468"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}