{"id":54086,"date":"2021-04-05T10:31:05","date_gmt":"2021-04-05T09:31:05","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=54086"},"modified":"2021-04-05T10:31:05","modified_gmt":"2021-04-05T09:31:05","slug":"qm-oo-madaxda-federaalka-dg-ugu-baaqday-in-ay-sii-wadaan-wadahadalka-u-socda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/qm-oo-madaxda-federaalka-dg-ugu-baaqday-in-ay-sii-wadaan-wadahadalka-u-socda\/","title":{"rendered":"QM oo Madaxda Federaalka &#038; DG ugu baaqday in ay sii wadaan wadahadalka u socda."},"content":{"rendered":"<p>Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu bogaadiyay wadahadalka Madaxda Federaalka ee muddo xileedka ka dhammaaday, Dowlad-Goboleedyada &amp; Gobolka Banaadir u socday 3-dii &amp; 4-dii April 2021 balse maanta hakadka la geliyay.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay dedaalkaas socda maadaama lagu raadinaya xalka caqabadaha hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya oo heshiiskii 17-kii September 2020 maalintii la saxiixay laga joogo 200 oo cishe.<\/p>\n<p>UNSOM ayaa soo jeedisay in lasii wado wadahadalka maanta hakadka galay si ay wadatashiyo usoo sameeyaan Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada &amp; Gobolka Banaadir oo berri oo Talaado ah 6-da April 2021 markale isugu tagaya Taandhada Afisiyooni.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cBahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil\u201d<\/em><\/strong> ayaa lagu yiri Qoraalka UNSOM.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrinayaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah\u201d<\/em><\/strong> ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa hoggaamiye u ah wakiilada Beesha Caalamka ee xoojinaya dedaallada wadahadalka Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada &amp; Gobolka Banaadir si heshiis ay uga gaaraan khilaafka ka dhaxeeya ee saameynta taban ku yeeshay qabsoomidda Doorashooyinka Dalka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu bogaadiyay wadahadalka Madaxda Federaalka ee muddo xileedka ka dhammaaday, Dowlad-Goboleedyada &amp; Gobolka Banaadir u socday 3-dii &amp; 4-dii April 2021 balse maanta hakadka la geliyay. Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay dedaalkaas socda maadaama lagu raadinaya xalka caqabadaha hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya oo heshiiskii 17-kii&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":17104,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54086"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=54086"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54086\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/17104"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=54086"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=54086"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=54086"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}