{"id":5278,"date":"2018-08-28T18:12:15","date_gmt":"2018-08-28T17:12:15","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=5278"},"modified":"2018-08-28T18:12:15","modified_gmt":"2018-08-28T17:12:15","slug":"sawirro-dibadbax-ka-dhashay-dil-wadareed-loo-geystay-dad-soomaali-ah-oo-ka-dhacay-jigjiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/sawirro-dibadbax-ka-dhashay-dil-wadareed-loo-geystay-dad-soomaali-ah-oo-ka-dhacay-jigjiga\/","title":{"rendered":"Sawirro:- Dibadbax Ka Dhashay Dil wadareed loo geystay Dad Soomaali ah oo ka dhacay Jigjiga."},"content":{"rendered":"<p>Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Maamulka Soomaalida waxaa Maanta la geeyay Meydadka Haween, Carruur iyo dad da&#8217; ah oo dil Wadareed ay u geysteen Maleeshiyaad katirsan Qowmiyadda Oromada.<\/p>\n<p>Dadkaan ayaa gaarayay 15 qof, waxaana lagu dilay Deegaanka Tuli-Guuleed, waxa ayna ahaayeen Dad Reer miyi ah.<\/p>\n<p>Isbitaalka Magaalada Jigjiga oo la geeyay Meydadka dadkaan waxaa buux dhaafiyay Soomaalida Jigjiga, waxaana durba goobta ka bilawday dibadbax ay sameeyeen dadkii arkay Meydadka.<\/p>\n<p>Dadka ayaa Madaxa ku xirtay Calal Gaduudan (Maryo) oo ay sheegeen in ay ugu baroordiiqayaan dadkii la dilay.<\/p>\n<p>Saraakiil katirsan Ciidamada Booliiska Maamulka Soomaalida iyo kuwo katirsan Militariga Federaalka Itoobiya ayaa isku dayay in ay dadka hor istaagaan si aan gudaha isbitaalka u buuxin.<\/p>\n<p>Dadka ayaa marba marka dambeyso sii kordhayay, waxa ayna markii dambe saraakiisha u sheegeen in ay dib ugu laabtaan Goobihii ay ka yimaadeen, baaritaanada dadka dil wadareedka loo geystayna ay baarayaan.<\/p>\n<p>Dibadbaxyaasha ayaa isugu tagay Barxad ka fog Isbitaalka, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah dadka Oromada ee dilkaa geystay.<\/p>\n<p>Colaadda Soomaalida iyo Oromada ayaa saameynta ugu badan ku yeelatay dadka labada dhinac ee ka madax banaan Dagaalada balse Aargoosiga loogu dilo Tuulooyinka ay ku nool yihin.<\/p>\n<p>Ra&#8217;iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa Bartamihii Bishaan August sheegay in ay Gacan ku qaban doonaan Maleeshiyaadka Soomaalida iyo Oromada ee dilalka Aanooyinka ah geysta.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone  wp-image-5279\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/1-Jigjiga-225x300.jpg\" alt=\"\" width=\"408\" height=\"544\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/1-Jigjiga-225x300.jpg 225w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/1-Jigjiga-315x420.jpg 315w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/1-Jigjiga.jpg 540w\" sizes=\"(max-width: 408px) 100vw, 408px\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone  wp-image-5282\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/2-Jigjiga-300x146.jpg\" alt=\"\" width=\"419\" height=\"204\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/2-Jigjiga-300x146.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/2-Jigjiga.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/2-Jigjiga-533x261.jpg 533w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/2-Jigjiga-696x338.jpg 696w\" sizes=\"(max-width: 419px) 100vw, 419px\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone  wp-image-5283\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/3-Jigjiga-300x146.jpg\" alt=\"\" width=\"432\" height=\"210\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/3-Jigjiga-300x146.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/3-Jigjiga.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/3-Jigjiga-696x338.jpg 696w\" sizes=\"(max-width: 432px) 100vw, 432px\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone  wp-image-5284\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/4-Jigjiga-300x146.jpg\" alt=\"\" width=\"427\" height=\"208\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/4-Jigjiga-300x146.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/4-Jigjiga.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/4-Jigjiga-533x261.jpg 533w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/4-Jigjiga-696x338.jpg 696w\" sizes=\"(max-width: 427px) 100vw, 427px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Maamulka Soomaalida waxaa Maanta la geeyay Meydadka Haween, Carruur iyo dad da&#8217; ah oo dil Wadareed ay u geysteen Maleeshiyaad katirsan Qowmiyadda Oromada. Dadkaan ayaa gaarayay 15 qof, waxaana lagu dilay Deegaanka Tuli-Guuleed, waxa ayna ahaayeen Dad Reer miyi ah. Isbitaalka Magaalada Jigjiga oo la geeyay Meydadka dadkaan waxaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":5279,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5278"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5278"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5278\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5279"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5278"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5278"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5278"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}