{"id":51879,"date":"2018-12-27T09:34:53","date_gmt":"2018-12-27T09:34:53","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=51879"},"modified":"2021-02-20T05:20:15","modified_gmt":"2021-02-20T05:20:15","slug":"waa-maxay-xiriirka-ka-dhexeeya-saddaqada-iyo-liibaanta-ama-guusha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/waa-maxay-xiriirka-ka-dhexeeya-saddaqada-iyo-liibaanta-ama-guusha\/","title":{"rendered":"Waa maxay xiriirka ka dhexeeya saddaqada iyo liibaanta ama guusha?"},"content":{"rendered":"<p>Haddii aad taqaan macnaha Qur\u2019aanka\u00a0 waxa aad ogtahay in xukunka sharciga ah ee ugu dheer ee qur\u2019aanku kahadlo uu yahay\u00a0 sida loo maareynayo Deynta ama Amaahda, Sidaas awgeed Aayadda Deynta oo ah Aayadda <a href=\"https:\/\/www.alukah.net\/sharia\/0\/73514\/\"><strong>282<\/strong><\/a> ee Suuradda Al-Baqra waa midda ugu dheer Qur\u2019aanka, balse\u00a0 dhowr meelood oo kala duwan ayuu Qur\u2019aanku ugu hadlay Deeqada ama saddaqada, waxa\u00a0 uu 3-5 bog\u00a0 uga hadlay Qur\u2019aanku waxtarka saddaqada iyo wax quurku u leeyihiin qofka Adduunka iyo Aaqiradaba.<\/p>\n<p>Tusaale ahaan Aayadda 262 ee Suuradda Baqara waxa uu Qur\u2019aanku ku sheegay in Dadka hantidooda ku bixiya si dar Alle ah kaddibna aan raacin ama kudarin\u00a0 wixii ay bixiyeen Sheegasho iyo dhib\u00a0 ay Alle agtiisa ku leeyihiin Ajar weyn isalamarkaasna aysan la kulmeyn Cabsi,\u00a0 Murago iyo welwel .<\/p>\n<p>Dhinaca Cilmiga Sayniska culimadu waxa ay baarayaan daawada iyo xalka Welwelka, Murugada iyo Niyadjabka iyo maareynta Diiqadda (<strong>Stress management<\/strong>) balse Daawo iyo Natiijo rasmi uma aysan helin, Mareykanka oo keli ah sida lagu sheegay tiro-koob lagu baahiyey Website-ka CNN ee Mareykan waxa jira 27 Milyan oo qof oo laga daweynayo dhibaato kadhalatay Welwelka, Murugada iyo Niyadjab, tiradaasi waxa ay kadhigan tahay 10%\u00a0 tirada guud ee dadka Mareykanka, sababta ugu weyn ee mashaakilkan waxa ay qabaan culimada Muslimku in ay tahay ka fogaanshaha iyo go\u2019idda xiriirka u dhexeeya qofka iyo Rabbigiisa.<\/p>\n<p>Iyaga oo haddaba ay taas dabajoogaan waxa ay aqoon yahanka cilmiga Saynisku isku dayeen in ay\u00a0 baaraan habab kale oo hadda kahor loo daweeyey\u00a0\u00a0 Welwelka iyo Niyadjabka kudhaca Bani\u2019aadamka, hayeeshee waxa cajiib noqotay in culimada Sayniska ee Mareykanku heleen natiijo kayaabisay oo ah in dadka hantidooda bixiya ee siiya dadka u baahan ay helaan niyad ahaan Farxad iyo liibaan kabadan midda uu helo qofka isaga oo dhibban ama baahan qaata lacagta ay dadkaasi bixiyaan.<\/p>\n<p>Si haddaba ay u xaqiijiyaan jiritaanka arrintaas Waxa ay meel isugu geeyeen koox dad ah waxa ay marsiiyeen imtixaan tijaabo ah oo loo adeegsaday qalab ama aalad lagu magacaabo FMRI (<strong>Functional magnetic resonance imaging<\/strong>)<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent-mrs2-2.xx.fbcdn.net\/v\/t1.15752-9\/149705931_453207696031114_4511262744663861207_n.jpg?_nc_cat=108&amp;ccb=3&amp;_nc_sid=ae9488&amp;_nc_ohc=-aixjPSSvUsAX8hiixH&amp;_nc_ht=scontent-mrs2-2.xx&amp;oh=19138814abbf3ca38d66ee93df72f67b&amp;oe=6052807E\" alt=\"No description available.\" width=\"1208\" height=\"679\" \/><\/p>\n<p>FMRI waxa uu qiyaas kabixinayaa shaqada iyo waxqabadka Maskaxda, waxa uu awoodaa in uu bannaanka keeno ama kusiiyo waxa kadhexdhacaya maskaxda, isaga oo habdhaqan gaar ah oo maskaxdu sameyneyso ka bixinaya natiijo, waxa ay qofba mar ka codsadeen in uu qof u baahan oo jidka ama agagaarkiisa jooga siiyo ama ugu deeq lacag ama wax kale oo fiican, kaddibna iyaga oo adeegsanaya qalabka FMRI (Functional magnetic resonance imaging) waxa sawirro kaqaadeen maskaxda dadka saddaqada bixinaya iyo kuwa u baahan ee qaadanaya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>culimada Sayniska ee Ameerika tijaabadan ay sameeyey waxa ay ku ogaadeen oo u soo baxday in maskaxda qofka deeqda ama saddaqada bixinaya ay soo deyneyso ama soosaareyso <strong>Hoormoonka Liibaanta (Happiness hormones)<\/strong> kaas oo ka imaanaya meel kamid ah maskaxda oo ay u bixiyeen <strong>xarunta abaalgudka<\/strong> (<strong>Reward centre<\/strong>)<\/p>\n<p>Hoormoonkaasi waxa uu yimaada marka aad qaadaneyso Abaalgud oo xarunta abaalgudka ee maskaxda ayaa firfircooni badan qaadaneysa kaddibna waxa ay soo deyneysaa hoormoonka Liibaanta sidaas awgeed farxad\u00a0 iyo raynrayn ayuu qofku helaya.<\/p>\n<p>Iyada oo haddaba laga shidaal qaadanayo Baaritaankaas cilmiga ah\u00a0 mar walba oo aad Deeq ama Saddaqo bixiso xarunta abaalgudka ee Maskaxdaadu waxa ay soo deyneysaa hoormoonka Liibaanta, waxa aad heleysaa farxad, Liibaan iyo raynrayn kabadan tan uu helayo qofka baahan ee saddaqadaas qaadanaya.<\/p>\n<p>Sidaas awgeed culimada Sayniska ee sameeyey tijaabadan waxa ay kula taliyeen dhammaan dadka qaba Niyadjabka, Cabsida, Welwelka iyo Murugadu in ay bixiyaan ama ay saddeqeystaan habaraatee Mood iyo Nool wixii ay heli karaan.<\/p>\n<p>Tijaabada culimada Sayniska waxaa xaqiijiyey oo ay waafaqday Aayadda <a href=\"http:\/\/qadatona.org\/\u0639\u0631\u0628\u064a\/\u0627\u0644\u0642\u0631\u0622\u0646-\u0627\u0644\u0643\u0631\u064a\u0645\/282\">274<\/a> ee Suuradda Baqara<\/p>\n<pre><strong>Mustaqbal Media<\/strong>\r\n<strong>WQ: Axmed C. Guutaale<\/strong><\/pre>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Haddii aad taqaan macnaha Qur\u2019aanka\u00a0 waxa aad ogtahay in xukunka sharciga ah ee ugu dheer ee qur\u2019aanku kahadlo uu yahay\u00a0 sida loo maareynayo Deynta ama Amaahda, Sidaas awgeed Aayadda Deynta oo ah Aayadda 282 ee Suuradda Al-Baqra waa midda ugu dheer Qur\u2019aanka, balse\u00a0 dhowr meelood oo kala duwan ayuu Qur\u2019aanku ugu hadlay Deeqada ama saddaqada,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":51881,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51879"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51879"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51879\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51881"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51879"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51879"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51879"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}