{"id":51191,"date":"2021-02-01T17:41:44","date_gmt":"2021-02-01T17:41:44","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=51191"},"modified":"2021-02-01T17:41:44","modified_gmt":"2021-02-01T17:41:44","slug":"maxaa-ka-socda-dhuusamareeb-oo-ay-ku-suganyihiin-mw-farmaajo-iyo-madaxda-taageersan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxaa-ka-socda-dhuusamareeb-oo-ay-ku-suganyihiin-mw-farmaajo-iyo-madaxda-taageersan\/","title":{"rendered":"Maxaa ka socda Dhuusamareeb oo ay ku suganyihiin MW. Farmaajo iyo madaxda taageersan?"},"content":{"rendered":"<p>Inta badan hogaamiyeyaasha ka qeybgalaya shirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada ee arrimaha doorashooyinka 2021 ayaa maanta oo Isniin ah gaarey magaaladda Dhuusamareeb caasimadda Galmudug.<\/p>\n<p>Madaxweyne Farmaajo, Ra&#8217;iisul Wasaare Rooble, madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Cali Guudlaawe , ayaa caawa ku hooyanaya magaala madaxda dowlad goboledka Galmudug.<\/p>\n<p>Badi madaxda maanta ku horumartay Dhuusamareeb oo ah madaxda taageersan aragtida Doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in ay caawa yeeshaan kulamo gaar gaar ah oo ay kaga arinsanayaan sidii ay mowfiq mid ah uga qaada lahaayeen hanaanka doorashada oo ay isku hayaan Madaxweyne Farmaajo iyo maamuladda taageersan dhinac ah iyo Maamuladda Jubbaland, Puntland, Gudoomiyaha aqalka sare iyo Mucaaradka oo dhaliilsan qaabka ay doorashada u wado xukumadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa Dhuusamareeb ku wajahan maalinta berri ah si ay ugu biiraan madaxda ku shirsan xarunta maamulka Galmudug.<\/p>\n<p><strong>Maxaa la isku hayaa?<\/strong><\/p>\n<p>Inkastoo Madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada ay heshiis ka gaareen arimaha doorashada hadana waxaa la isku hayaa sidoo loo fuli lahaa qodobadii lagu heshiiyay 17 September 2020.<\/p>\n<p>Qodobada sida gaar ah la iskugu haayo waxaa ka mid ah:-<\/p>\n<ul>\n<li>Ciidamadda dowladda Faderaalka Soomaaliya ay gaysay gobolka Gedo<\/li>\n<li>Xulista wakiiladda Somaliland iyo cidda awooda u leh in ay soo magacaawdo guddigaasi<\/li>\n<li>Guddiyadda doorashooyinka oo la rumaysanyahay in ay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha madaxtooyadda iyo Hay\u2019adda Nabad sugida Soomaaliya.<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Maxaa Dhuusamareeb loo geeyay shirka madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada?<\/strong><\/p>\n<p>Sida ay Mustaqbal u sheegeen xubno ku dhaw Villa Somalia Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa doortay in shirka laga qabto xarunta maamulka Galmudug, waxaana sababta lagu sheegay in ay tahay si shirka madaxda Dowladda iyo Dowladd-goboleedyada aysan qayb galin xubnaha Midowga Musharixiinta oo dalbaday in ay ka qayb noqdaan heshiis lagu gaarayo doorashooyinka dalka.<\/p>\n<p>Midowga Musharaxiinta oo qoraal soo saarey kahor furitaanka shirka ayaa dalbadey in madasha la balaariyo ayna ka qeybgalaan iyo in uu ku biiro afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wadahaladan qabsoomaya waxaa kasoo shaqeysay Beesha Caalamka oo ka dooneysa madaxd Soomaalida in ay isafgarad ka gaaraan is-faham-waaga doorashooyinka kahor 8-da Febraayo oo waqtiga ka dhacayo dowladda Farmaajo.<\/p>\n<p><strong>Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi maka qayb galayaa?<\/strong><\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dowladda Dowlad-goboleedyada ku casuumay shirka Dhuusamareeb 4, kuma uusan soo darin ka qaybgalayaasha gudoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa danaynaya sidii uu shirkaasi uga qayb noqo lahaa isaga oo fariin uu diray madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor ku ogaysiiyay in uu ku sii jeedo magaaladda Dhuusamareeb inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in laga reebay diyaarad uu raaci lahaa Xarunta Galmudug.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Inta badan hogaamiyeyaasha ka qeybgalaya shirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada ee arrimaha doorashooyinka 2021 ayaa maanta oo Isniin ah gaarey magaaladda Dhuusamareeb caasimadda Galmudug. Madaxweyne Farmaajo, Ra&#8217;iisul Wasaare Rooble, madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Cali Guudlaawe , ayaa caawa ku hooyanaya magaala madaxda dowlad goboledka Galmudug. Badi madaxda maanta&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":51192,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51191"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51191"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51191\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51192"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51191"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51191"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51191"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}