{"id":51169,"date":"2021-02-01T06:38:48","date_gmt":"2021-02-01T06:38:48","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=51169"},"modified":"2021-02-01T06:38:48","modified_gmt":"2021-02-01T06:38:48","slug":"janan-dfs-hubkii-turkiga-uu-u-siiyay-la-dagaalanka-shabab-ayay-u-adeegsatay-balad-xaawo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/janan-dfs-hubkii-turkiga-uu-u-siiyay-la-dagaalanka-shabab-ayay-u-adeegsatay-balad-xaawo\/","title":{"rendered":"Janan: DFS Hubkii Turkiga uu u siiyay la dagaalanka Shabab ayay u adeegsatay Balad Xaawo."},"content":{"rendered":"<p>Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan Wasiirka Amniga DG Jubbaland oo Wareysi siiyay BBC-da ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in dagaalka Balad Xaawo ay u adeegsatay Hub Turkiga uu u siiyay la dagaalanka Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Janan ayaa tilmaamay in sababta keentay dib ugu laabashada Ciidankiisa ee Magaalada Balad Xaawo ay tahay arrimo ciidan, balse aysan ka dhigneen in looga awood badiyay dagaalkaas sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cKu talagalkeenu ma ahayn in aan dib uga baxno Buulo Xaawo, waan qabsanay inkasta oo sababo jira aan dib uga baxnay waana xeelad ciidan, waxaana nasiib darro ah in hubka Tukriga uu u bixiyay in lagula dagaalo Shabaab loo adeegsado Balad Xaawo\u201d<\/em><\/strong> ayuu yiri Wasiirka Amniga DG Jubbaland.<\/p>\n<p>Waxa uu qiray in ciidan safkiisa ah ay isu dhiibeen Dowladda Federaalka &amp; qaar kale oo lagu qabtay dagaalka, balse meesha waxa uu ka saaray tirada uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWay jiraan Ciidamo gaaraya 37-qof oo 16-kamid ah la qabtay iyo inta kale oo is dhiibtay balse 200 ama 100 wax la mid ah midna lagama qaban, waxaana diyaar u nahay oo ah mas\u2019uuliyad na saaran in aan shacabka ka dulqaadno cadawga, Dulmiga &amp; dulligaas ku haya in aan ka xorreyno\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri Wasiir Janan.<\/p>\n<p>Xukuumadda Soomaaliya ayaa xero ku taalla Deegaanka Garas Buundo Degmada Doolow ku xareysay Dhalinyarada dagaalka lagu qabtay &amp; kuwa is dhiibtay, Taliska Xoogga Dalka ayaa sheegay in la tababarayo si loogu biiriyo Askarta Dowladda.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan Wasiirka Amniga DG Jubbaland oo Wareysi siiyay BBC-da ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in dagaalka Balad Xaawo ay u adeegsatay Hub Turkiga uu u siiyay la dagaalanka Al-Shabaab. Janan ayaa tilmaamay in sababta keentay dib ugu laabashada Ciidankiisa ee Magaalada Balad Xaawo ay tahay arrimo ciidan, balse aysan ka dhigneen in&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":35122,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,78,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51169"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51169"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51169\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/35122"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51169"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51169"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51169"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}