{"id":51153,"date":"2021-02-01T04:22:23","date_gmt":"2021-02-01T04:22:23","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=51153"},"modified":"2021-02-01T04:22:23","modified_gmt":"2021-02-01T04:22:23","slug":"maxaa-khasaare-ah-oo-ka-dhashay-weerarka-hotel-afrik","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxaa-khasaare-ah-oo-ka-dhashay-weerarka-hotel-afrik\/","title":{"rendered":"Maxaa khasaare ah oo ka dhashay Weerarka Hotel Afrik?"},"content":{"rendered":"<p>Hotel Afrik oo u dhaxeeya Isgoyska KM4 &amp; barta laga hubiyo Gawaarida aadda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadda ee Magaalada Muqdisho waxaa casirliiqii shalay lagu qaaday weerar ku bilawday Gaari walxaha qarxa lagu soo raray.<\/p>\n<p>Qaraxa kadib waxaa gudaha u galay rag hubeysan oo dagaal ka dhex bilaabay, waxaana iska caabbin ay kala kulmeen ilaalada Hoteelka &amp; askar ilaalo u ah mas\u2019uuliyiin ku sugneed dhismaha Hoteelka oo dano kala duwan halkaaas u joogtay.<\/p>\n<p>Soo afjaridda Dagaalka ayaa qaadatay saacado badan, laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo saq dhexe waxa ay ku howlayaan soo gaba-gabeynta dagaalka ka dhex socday Hoteelka, mararka qaar waxaa la maqlayay qaraxyo.<\/p>\n<p>Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dhinteen 9-ruux oo kala ah AUN Gen. Maxamed Nuur Galaal, Cabdullaahi Nuure Siyaad &amp; Dad kale oo Shacab.<\/p>\n<p>Sadiiq ayaa sheegay in 4-kamid ah kooxda gudaha u gashay Hoteelka in la toogtay saacado kadib markii ciidamada ammaanka ay gudaha galeen dhismaha si gaar ah meelaha ay ka joogeen oo ay ka dagaalamayeen.<\/p>\n<p>Dhaawaca waa toboneeyo, waxaana lagu qaaday Gaadiidka Gurmadka Degdeg ah oo lagu geeyay goobaha Caafimaadka si looga daweeyo dhaawacyada kala duwan ee kasoo gaartay qaraxa &amp; iska hor imaadka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hotel Afrik oo u dhaxeeya Isgoyska KM4 &amp; barta laga hubiyo Gawaarida aadda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadda ee Magaalada Muqdisho waxaa casirliiqii shalay lagu qaaday weerar ku bilawday Gaari walxaha qarxa lagu soo raray. Qaraxa kadib waxaa gudaha u galay rag hubeysan oo dagaal ka dhex bilaabay, waxaana iska caabbin ay kala kulmeen ilaalada Hoteelka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":51154,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51153"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51153"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51153\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51154"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51153"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51153"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51153"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}