{"id":51107,"date":"2021-01-31T06:45:26","date_gmt":"2021-01-31T06:45:26","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=51107"},"modified":"2021-01-31T06:48:14","modified_gmt":"2021-01-31T06:48:14","slug":"qm-oo-soo-dhaweysay-in-laga-xaajoodo-caqabadda-hortaagan-doorashada-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/qm-oo-soo-dhaweysay-in-laga-xaajoodo-caqabadda-hortaagan-doorashada-soomaaliya\/","title":{"rendered":"QM oo soo dhaweysay in laga xaajoodo caqabadda hortaagan Doorashada Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p>War kasoo baxay Xafiiska <strong>Qaramada Midoobay<\/strong> ee Soomaaliya <a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/UNSOMALIA\"><strong>UNSOM<\/strong><\/a> ayaa lagu soo dhaweeyay go\u2019aanka Madaxweyne <strong>Maxamed Cabdullaahi Farmaajo<\/strong> uu ku qaatay in shaacinta Shirka lagu wado in uu ka dhaco Magaalada <strong>Dhuusamareeb<\/strong> ee Xarunta <strong>DG Galmudug<\/strong>.<\/p>\n<p>Waqtiga uu qabsoomayo kulanka ayaa ah <strong>1-da Febaraayo 2021<\/strong> oo berri ku beegan waxaana uu soconayaa ilaa <strong>3-da Bishaan<\/strong> oo isla <strong>Arbacada<\/strong> Todobaad ah si <strong>Madaxda Heer Federaal &amp; heer Dowlad Goboleed<\/strong> isaga xog wareystaan ka gudubka caqabadaha hortaagan <strong>Doorashada Dalka<\/strong>.<\/p>\n<p>Qoraal lasoo dhigay bogga <strong><a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/UNSOMALIA\">Xafiiska Qaramada Midoobay<\/a> ee Soomaaliya UNSOM<\/strong> ayaa lagu sheegay in <strong>soo dhaweyn &amp; taageero<\/strong> uu u yahay tallaabooyinka lagu hirgelinayo nuuca doorasho ee lagu heshiiyay <strong>17-kii September 2020<\/strong>.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cBahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed &#8216;Farmaajo&#8217; isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtember\u201d<\/em><\/strong> ayaa lagu yiri qoraalka <strong><a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/UNSOMALIA\">UNSOM<\/a><\/strong>.<\/p>\n<p><strong>Beesha Caalamka<\/strong> ayaa taageerada ugu badan ku bixineysa dhaqaalaha loo adeegsanayo Doorashadooyinka Soomaaliya sida ay shaacisay Xukuumadda Federaalka, waxaana laga sugayaa <strong>$36 Milyan<\/strong> oo kamid ah <strong>$40-ka Milyan<\/strong> ee loo qorsheeyay in lagu hirgelinayo Doorashooyinka Dalka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu soo dhaweeyay go\u2019aanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku qaatay in shaacinta Shirka lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta DG Galmudug. Waqtiga uu qabsoomayo kulanka ayaa ah 1-da Febaraayo 2021 oo berri ku beegan waxaana uu soconayaa ilaa 3-da Bishaan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":51108,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,83,80,59,81,78,79,77,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51107"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51107"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51107\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51108"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51107"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51107"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51107"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}