{"id":51099,"date":"2021-01-31T05:16:09","date_gmt":"2021-01-31T05:16:09","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=51099"},"modified":"2021-01-31T05:17:04","modified_gmt":"2021-01-31T05:17:04","slug":"shirka-dhuusamareeb-waxa-uu-mw-farmaajo-uga-fogaanayay-kulanka-mucaarad-cabdi-ismaaciil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/shirka-dhuusamareeb-waxa-uu-mw-farmaajo-uga-fogaanayay-kulanka-mucaarad-cabdi-ismaaciil\/","title":{"rendered":"\u201cShirka Dhuusamareeb waxa uu MW Farmaajo uga fogaanayay kulanka Mucaarad\u201d Cabdi Ismaaciil."},"content":{"rendered":"<p>Prof Cabdi Ismaaciil Samater oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ujeedka uu Madaxweyne Farmaajo u ballamiyay Shirka Dhuusamareeb (4) yahay ka fogaanta Shir weyne la isugu keeno Mucaaradka &amp; muxaafadka balse uu ka door biday kulankaas.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cBeesha Caalamka ayaa soo jeedisay in la qabto Shir looga hadlayo arrimaha dalka, isaga oo ka fogaanayo Madaxweyne Farmaajo in fadhi guud la isugu yeero Mucaarad &amp; muxaafid ayuu ku dhawaaqay in Dhuusamareeb markale la isugu tago, balse haddii aan laga gudbin oo aan la xalaaleen Guddiyada uu sameystay, Xiisadda Gedo &amp; hab maamulka Guddiga Gobollada Waqooyi wax wanaagsan kalama kulmi doono Baarlamaanka, arrintuna waa jugjug oo bartaada joog\u201d<\/em><\/strong> Sidaasi waxaa yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samater.<\/p>\n<p>Aqoonyahan Cabdi Ismaaciil ayaa rajada fadhiga Madaxweynaha uu la qaadanayo Labada Gole ee BFS 5-ta Febaraayo 2021 ku sheegay in ay ku xiran tahay in Shirka Dhuusamareeb (4) xal looga gaaro saddexda caqabad balse haddii la iska indha-tiro howshu soconeyn.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cNatiijada la kulanka Baarlamaanka waa mid ku xiran hab maamulka Shirka Dhuusamareeb iyo sida loo xakameeyo qodobada caqabadda ku noqday in la guda galo Doorashooyinka Soomaaliya ee lagu heshiiyay\u201d<\/em><\/strong> ayuu sii raaciyay Cabdi Ismaaciil Samater.<\/p>\n<p>Heshiiska Doorashada ee dhacay 17-kii September 2020 waxaa haatan laga joogaa 136-Cishe, ilaa haatan ma muuqdo tallaabooyin horay loo qaaday si loo gaaro hadafka kulankaas oo ahaa in dalka ay ka dhacdo Doorasho xor &amp; xalaal ah.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Prof Cabdi Ismaaciil Samater oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ujeedka uu Madaxweyne Farmaajo u ballamiyay Shirka Dhuusamareeb (4) yahay ka fogaanta Shir weyne la isugu keeno Mucaaradka &amp; muxaafadka balse uu ka door biday kulankaas. \u201cBeesha Caalamka ayaa soo jeedisay in la qabto Shir looga hadlayo arrimaha dalka, isaga oo ka fogaanayo Madaxweyne&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":51100,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,80,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51099"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=51099"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/51099\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/51100"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=51099"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=51099"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=51099"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}