{"id":50360,"date":"2021-01-12T13:44:46","date_gmt":"2021-01-12T13:44:46","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=50360"},"modified":"2021-01-12T18:01:58","modified_gmt":"2021-01-12T18:01:58","slug":"maxaa-ka-qaldan-warbixinta-dib-udhiska-nidaamka-cadaaladda-soomaaliya-oo-uu-soosaaray-mac-hadka-heritage","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxaa-ka-qaldan-warbixinta-dib-udhiska-nidaamka-cadaaladda-soomaaliya-oo-uu-soosaaray-mac-hadka-heritage\/","title":{"rendered":"Maxaa ka qaldan Warbixinta Dib-udhiska Nidaamka Cadaaladda Soomaaliya oo uu soosaaray  Mac-hadka Heritage?"},"content":{"rendered":"<p>Mac-hadka Heritage ayaa January-2021 waxa uu soo saaray\u00a0 Warbixin Cinwaankeedu yahay<strong> ( Dib-udhiska Nidaamka Cadaaladda Soomaaliya ee Burburay<\/strong>)\u2019 Warbixitaan sida muuqato waxay ka hadleysaa Nidaamka Cadaaladda Dalka laga soo\u00a0 bilaabo ka hor xurriyadii\u00a0 ilaa maanta sida uu yahay nidaamka cadaaladda dalku.<\/p>\n<p>Warbixintu waxay mudan tahay in la amaano sababta oo ah waxa ay la xiriirta mawduuc muhiim u ah noloshada bulshada Soomaaliyeed\u2019 sidoo kalane waa isku day bilaw ah oo mudan in la\u00a0 bogaadiyo\u2019 hase ahaatee warxibinta waxaa ku jira khaladaad waaweyn oo marna aan laga aamusi Karin, khaladaadka muuqda waxa ay iskugu jiraan kuwa taariikheed, \u00a0kuwa cilmi iyo kuwa khilaafsan xaqiiqooyinka jira.<\/p>\n<p>Waxa kale oo mudan in hoosta laga calaameeyo in warbixintu ay ka gaabisay sheegidda arrimo muhiim ah oo ay tahay in ay tilmaanto cid kasta oo mawduucaan daraasad ama cilmi-baaris ka samaynaysa.<\/p>\n<p>haddaba hadddii alle idmo waxa aan rabaa in aan si kooban u tilmaamo khaladaadka ugu waawayne ee warbixinta ku jira iyo sidoo kale arrimaha ugu muhimsan ee ay warbixintu ka gaabisay.<\/p>\n<p><strong>waa maxay khaladaadka waawayn ee ku jira warbixinta Heritage?<\/strong><\/p>\n<p>ugu horrayntii waxaan isku dayayaa in aan calaameeyo khaladaadka ugu waawayn eeku jira warbixinta Heritage\u2019 khladaadkaas oo ay ugu muhimsan yihiin kuwa soo socda:<\/p>\n<ul>\n<li>Warbixinta HIPS\u2019 waxaa lagu sheegay in laba sannadood xurriyaddii kadib dawladdu magacawday guddiga midaynta shuruucda laba gobal (Consultative Committee for the Integration of Legal Systems) Arrintaas Waa khalad Sababta oo ah Guddigaan waxaa la magacaabay 11 October 1960, oo ah Saddax bil kadib Xurriyaddii Waxaana lagu magacaabay Wareegto Lr 19 ee 11\/October 1960.<a href=\"applewebdata:\/\/47550FE9-29A5-40CB-B1E3-B0D65782161F#_ftn1\" name=\"_ftnref1\">[1]<\/a><\/li>\n<li>Warbixinta HIPS\u2019 waxaa lagu sheegay in Xeerka Nidaamka garsoorka ee 1962 uu jideynayey in Xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta saldhig looga dhigay Xeerka madaniga ee taliyaaniga iyo Xeerka\u00a0 Ciqaabta ee Taliyaaniga! Arrintaasina \u00a0cilmi ahaan waa Qalad iyo gef weyn, maxaayeelay shuruucda la dabaqaayo waxaa qeexaaya qoddobada 23aad iyo 9aad ee Xeerka Nidaamka garsoorka sidoo kale mowduucaan waxaa nidaaminaaya qoddobka\u00a0 1aad ee sharciga midowga labadii gobal ee ee Sharci Lam 5, soona baxay 31-January-1961,\u00a0 sharcigaas oo qeexaayaa in\u00a0 gobal kasta oo ku dhaqmaayo shuruucdii horay dhaqangalka ugu ahayd xurriyadda ka hor ilaa laga soo saaraayo shuruuc mideysan oo baddalaysa shuruucdii hore\u2019 <a href=\"applewebdata:\/\/47550FE9-29A5-40CB-B1E3-B0D65782161F#_ftn2\" name=\"_ftnref2\">[2]<\/a>\u2019 Waxaa kale oo in la xusa mudan in Xeerka madaniga ee Taliyaanigu uu dhaqangal ka ahaa goballada koonfurta ilaa 1973-kii halka goballada waqooyi uu dhaqangal ka ahaa Xeerarka Madaniga ee India\u00a0 oo ka kooban qaybahaan\u00a0\u00a0 (Indian) Contract Act 1872, the Limitation Act 1908, the Transfer of Property Act 1882 and the Land Acquisition Act 1894\u00a0.<a href=\"applewebdata:\/\/47550FE9-29A5-40CB-B1E3-B0D65782161F#_ftn3\" name=\"_ftnref3\">[3]<\/a><\/li>\n<li>Warbixinta HIPS waxaa lagu sheegay in Guddigii midaynta shuruucdu markii ay qorayeen Xeerka Habka ciqaabta ay qaateen\u00a0 Xeerka Habka ciqaabta India oo meesha laga saaray Xeerka Habka Ciqaabta British oo asagu horay dhaqangal uga ahaa goballada waqooyi, warbixinta HIPS Waxay u qoran tahay sidan ((<strong><em>Si kale haddii loo dhigo, sharciga cusubi waxa uu meesha ka saaray sharcigii Ingiriiska, waxaana lagu beddelay ka Hindiya<\/em><\/strong>)) Arrintaas\u00a0 waxaa ka muuqdo macluumaad yari! Sababta oo ah\u00a0\u00a0 Xeerarka India gaar ahaan Xeerka\u00a0 Habka Ciqaabtu wuxuu si toos ah dhaqangal uga ahaa goballada waqooyi, ka hor xurriyaddii Xeerakaan waxaa ka mid ahaa:<\/li>\n<li>Indian Code of Criminal Procedure\u2019<\/li>\n<li>Indian Evidence Act\u00a01872.\u00a0<a href=\"applewebdata:\/\/47550FE9-29A5-40CB-B1E3-B0D65782161F#_ftn4\" name=\"_ftnref4\">[4]<\/a><\/li>\n<li>Warbixinta HIPS waxay Sheekadaas mala-awaalka ah ku sii dartay sidaan (<strong><em>Waxa jiray dhawr arrimood oo loo aaneeyo sababta arrintaasi u dhacday. Tan ugu macquulsanina waxa ay ahayd in markii xorriyadda laqaatay guddoomiyihii koowaad ee maxakamadda sare laga dhigay Hindi Muslin ah, kaas oo loo keenay in uu dalka ka caawiyo sidii dhidibbada loogu taagi lahaa nidaamkii bilawga ahaa ee garsoorka Soomaaliya<\/em><\/strong><strong><em>)<\/em><\/strong> Arrintaan intii horaba ka sii yaab iyo amakaag badan sababaha soo socda awgood:<\/li>\n<li>Marka Koobaad guddoomihii ugu horeeyay ee Maxkamadda sare ee Dalka Xurriyadii Kadib Ma ahayn Hindi ee wuxuu ahaa taliyaani magaciisa waxaa la dhihi jiray Dr\u00a0 Guiseppe Papale, oo horay u haayay\u00a0 Xilka\u00a0 Guddoomiyihii Maxkamadda Cadaaladda\u00a0 ee goballadii koonfureed ee taliyaanigu gumaysan jiray, Waxaa xilka laga qaaday\u00a0 bilawgii 1965. Guddoomiya ku xigeenna waxaa ahaa nin kale oo taliyaani ah\u00a0 ooo magiciisa la yiraahdo Aldo Peronaci, oo asgu markii dambe badalay Dr\u00a0 <strong>Guiseppe Papale<\/strong>.<\/li>\n<li>Ninka hindiga ah ee HIPS\u00a0 Warbixinteeda ku xustay\u00a0\u00a0 waa Dr. <strong>Haji N. NOOR<\/strong> <strong>Muhamud<\/strong>oo loo magacaabay garsoore Maxkamadda sare ee dalka 1961 si loo fuliyo\u00a0 Axkaamta ku qoran Xeer Lr:18 \u00a0ee 24-May\u00a0 soona baxay 1961 kaas oo\u00a0 faraayay in Racfaannada Goballada waqooyi laga soo qaatay ay dhagaystaan guddi uu ku jiro ugu yaraan hal garsoore oo yaqaanno Hannanka sharci ee Common law-ga isla markaana yaqaanno Afka Ingiriiska maadaama shuruucda goballada Waqooyi dhaqangalka ka ahayd ay ahayd common law, \u00a0sidoo kalana Luuqadda maxkamadahu ay ahayd afka Engilish ka.<a href=\"applewebdata:\/\/47550FE9-29A5-40CB-B1E3-B0D65782161F#_ftn5\" name=\"_ftnref5\">[5]<\/a><\/li>\n<li>Xaaji Noor Muhamuud Waligiis ma noqon Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka hase ahaatee wuxuuu ahaa garsoore Maxkamadda sare ee dalka sidoo kale 1965 ayaa loo magacaabay gudoomiye xigeenka Maxkamadda sare ee dalka.<\/li>\n<li>Warbixinta HIPS waxaa lagu xusay in dawlad gobaleedyada uu ka jiro hanaan garsoor oo laga soo minguuriyay kii Milatariga, \u00a0warbixinta waxa ay u qorantahay sidaan (<strong><em>Intooda ban, shanta dowladood ee xubnaha ka ah fadderaalka iyo Banaadir waxa ay adeegsadaan nidaam garsoor oo ka kooban saddex heer, kaas oo laga dhaxlay taliskii Siyaad Barre<\/em><\/strong><strong><em>)<\/em><\/strong>Macluumaadkaasi kuma dhisna xaqiiqo, maxaa yeelay \u00a0garsoorka\u00a0 dowlad-gobaleedydu iyo kan\u00a0federaalkuba waxay ku dhaqmaan Xeerka Nidaamka garsoorka 1962, marka laga reebo\u00a0 dawlad gobaleedka Puntland oo iyadu leh Xeer nidaam garsoor oo u gaaar ah.<\/li>\n<li>Warbixinta HIPS waxaa ka muuqdo in Maxkamadaha racfaannada dawlad gobaleedyada qaarkood ay leeyihiin ikhtisaas asalka ah (Original Jurisdiction) taas oo micnaheedu tahay in ay jiraan dacwo gaar ah oo ka bilawdo Maxkamadda racfaanka \u2018 sidaan ayay u qorantahay warbixinta HIPS (<strong>Tan waxa ka sarreeya Maxakamadda Rafcaanka, oo sida caadiga ah ku taalla caasimadda gobalka (dowlad goboleedka.<\/strong> <strong>Maxakamaddani waxa ay wax ka qabataa kiisaska culculus ee ay soo gudbiso Maxakamadda Darajada Koowaad- sababta ay u soo gudbisaana waa in ay awooddeeda ka baxsan yihiin miisaanka iyo baaxadda danbiyadu<\/strong>.)<\/li>\n<li>Warbixinta HIPS waxaa lagu sheegay in markii ugu horeeysay Xafiiska Xeer-ilaalinta la dhisay 1962 laguna dhisay xeerkii nidaamka garsoorka ee xiligaas soo baxay! Waa arrin kale oo tilmaamaysa in HIPS aysan samayn Cilmibaaris dhab ah, \u00a0sababta oo ah Xafiiska Xeer-ilaalintu xilligaas ka hor ayuu jiray waxaana lagu dhisay Sharci Lr 5\/ee 2 February-1956<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>\u00a0Arrimaha \u00a0ay ahayd in ay warbixinta ka muuqdaan oo aan la soo hadalqaadin<\/strong><\/p>\n<p><strong>Arrimaha hoos ku xusan waxay ka mid yihiin dhawr arrimood oo ay ahayd in warbixinta lagu xuso oo aan la soo hadal qaadin:<\/strong><\/p>\n<ul>\n<li>Marka la soo gaaro <b>askariyeyntii nidaamka Garsoorka Warbixintu ma xusin Xeerka Nidaamka garsoorka 1974 oo ahaa Xeer saldhig u ahaa hannaankii garsoor ee Dawladdii milatariga sidoo kalana ma xusin dastuurkii 1990 oo iasgu xoogga saaray<\/b> madaxbanaanida garsoorka iyo dhisidda hanaan garsoor ee ka duwan kii\u00a0 ay dhisaayeen xeerka 1974 iyo\u00a0 dastuurkii 1979.]<\/li>\n<li>Dhinaca dib u habaynta garsoorka warbixintu ma xusin dib u habaynnadii ugu dambeeyay ee garsoorka lagu sameeyay gaar ahaan kuwii dhacay afartii sannadoo ee ugu dambaysay<\/li>\n<li>Marka laga hadlaayo shirkii dib u habaynta garsoorka ee 2013 waxa ay ahayd in la tilmaamo khaladkii ugu waynaa ee la galay oo ahaa in aan xubnihii garsoorka qaybahooda kala duwan laga talo gelin shirka oo ay marti ka ahaayeen \u00a0shirkana ay maamulayeen dad aan garsoorka iyo arrimihiisa waxba kala socon.<\/li>\n<\/ul>\n<p>ugu dambayntii ceebaha kale ee ka muuqdo warbixinta waxaa ka mid ah warbixinta oo ay ku yaryihiin Maraajicda cilmiga ah iyo kuwa taarikheed oo leh micne \u00a0ay cuskato<\/p>\n<p>WQ: Qareen: <strong>Daahir Maxamed Cali<\/strong><br \/>\nWaxaa Tifaftiray Avv:\u00a0<strong>Axmed Ciise Guutaale<\/strong><\/p>\n<p>___________________________________________<\/p>\n<p><a href=\"applewebdata:\/\/47550FE9-29A5-40CB-B1E3-B0D65782161F#_ftnref1\" name=\"_ftn1\">[1]<\/a>\u00a0 Fiiri wareegto Lr 19 ee 11\/October 1960 iyo integration of Laws in the Somali Republic: Report on the Work of the Consultative Commission for Integration from Its Inception until 31st March, 1964Source: Journal of African Law, Vol. 8, No. 2 (summer, 1964), pp. 56-58 Published by: School of Oriental and African Studies.)<\/p>\n<p><a href=\"applewebdata:\/\/47550FE9-29A5-40CB-B1E3-B0D65782161F#_ftnref2\" name=\"_ftn2\">[2]<\/a>\u00a0 Fiiri sharci lr Sharci 5 ee 31 January ee 1961\u2019 ee ku saabsan midawga labada gobal<\/p>\n<p><a href=\"applewebdata:\/\/47550FE9-29A5-40CB-B1E3-B0D65782161F#_ftnref3\" name=\"_ftn3\">[3]<\/a> http:\/\/www.somalilandlaw.com\/civil_law_.html<\/p>\n<p><a href=\"applewebdata:\/\/47550FE9-29A5-40CB-B1E3-B0D65782161F#_ftnref4\" name=\"_ftn4\">[4]<\/a> <em>The Somali Republic: An Experiment in Legal Integration,<\/em>\u00a0Frank Cass &amp; Co, London (1969) at page 45<strong> By <\/strong>Contini<\/p>\n<p><a href=\"applewebdata:\/\/47550FE9-29A5-40CB-B1E3-B0D65782161F#_ftnref5\" name=\"_ftn5\">[5]<\/a>\u00a0 <em>The Somali Republic: An Experiment in Legal Integration,<\/em>\u00a0Frank Cass &amp; Co, London (1969) at page 33<strong> By <\/strong>Contini<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mac-hadka Heritage ayaa January-2021 waxa uu soo saaray\u00a0 Warbixin Cinwaankeedu yahay ( Dib-udhiska Nidaamka Cadaaladda Soomaaliya ee Burburay)\u2019 Warbixitaan sida muuqato waxay ka hadleysaa Nidaamka Cadaaladda Dalka laga soo\u00a0 bilaabo ka hor xurriyadii\u00a0 ilaa maanta sida uu yahay nidaamka cadaaladda dalku. Warbixintu waxay mudan tahay in la amaano sababta oo ah waxa ay la xiriirta&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":50361,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[102,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50360"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=50360"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/50360\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/50361"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=50360"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=50360"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=50360"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}