{"id":47500,"date":"2020-11-06T08:16:16","date_gmt":"2020-11-06T08:16:16","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=47500"},"modified":"2021-10-21T07:27:28","modified_gmt":"2021-10-21T06:27:28","slug":"maxaad-ka-taqaan-dameerka-xisbiga-dimoqraadiga-maroodiga-xisbiga-jamhuuriga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxaad-ka-taqaan-dameerka-xisbiga-dimoqraadiga-maroodiga-xisbiga-jamhuuriga\/","title":{"rendered":"Maxaad ka taqaan Dameerka xisbiga Dimoqraadiga &#038; Maroodiga xisbiga Jamhuuriga?"},"content":{"rendered":"<p>Dameerka &amp; Maroodigu waa labada Astaamood ee ugu caansan siyaasadda Mareykanka, kuwaas oo lagu kala aqoonsado labada xisbi ee ugu waaweyn Mareykanka, waa xisbiga Dimoqraadiga oo Astaantiisu tahay Dameer iyo xisbiga Jamhuuriga oo Astaantiisu tahay Maroodi!<\/p>\n<p>Sida ay daabacday Shabakadda CNN sanadkii <strong>1828<\/strong> ayay ahayd markii ugu horreysay ee afka siyaasadda lagu adeegsaday laguna isticmaalay\u00a0 astaanta Dameerka oo u taagan calaamad laguyaqaan looguna codeeyo xisbiga Dimoqraadiga.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-47509\" src=\"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Jackson.jpeg\" alt=\"\" width=\"1200\" height=\"630\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Jackson.jpeg 1200w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Jackson-300x158.jpeg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Jackson-768x403.jpeg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Jackson-1024x538.jpeg 1024w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Jackson-696x365.jpeg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Jackson-1068x561.jpeg 1068w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Jackson-800x420.jpeg 800w\" sizes=\"(max-width: 1200px) 100vw, 1200px\" \/><\/p>\n<p><strong>Andrew Jackson\u00a0<\/strong>madaxweynihii 7aad ee Mareykanka intii u dhexeysay <strong>1829-1837<\/strong> oo ahna asaasaha xisbiga Dimoqraadiga ayaa ololihiisa doorashada waxa uu halkudheg ka dhigtay &#8220;<em><strong>Shacabka u daaya Xukunka iyo go&#8217;aanka talada<\/strong><\/em>&#8221;<\/p>\n<p>Dadkii ka soo horjeeday ayaa aad u weeraray kuna dhalleeceeyey siyaasaddiisa kudhisan in SHacabku wax xukumo oo loo arkayey in uu uga soo horjeedo hantiilayaasha, Bangiyada iyo iyo dadka dhaqaalaha badan ku leh Waddanka,\u00a0 <strong>Jackson <\/strong>waxa ay ku sheegeen in uu yahay siyaasi wax walba isla jecel iyo xagjir siyaasadeed, waxa ayba ku tilmaameen Dameer! balse waxa uu ka helay isbarbardhigga isaga iyo xayawaanka Dameerka! sidaas awgeed Astaanta ololihiisa doorashada ayuu kadhigtay Dameerkii lagu dhalleecaynayey!<\/p>\n<p>Markii uu madaxweynaha noqday kaddib ayaa mucaaradkiisu waxa ay sawir ku muujiyeen <strong>Andrew Jackson\u00a0<\/strong>oo madax Dameer leh iyaga oo kalajeeday in uu u madax adag yahay sida Dameerka oo kale sidaas awgeedna uu xilka isku dhejin doono hayeeshee <b>Thomas Nast\u00a0<\/b>oo ahaa farshaxan aad ugu taqasusay Sawirgacmeedka kana tirsanaa Wargeyska <strong>Harper&#8217;s Weekly<\/strong> ayaa mas&#8217;uul ka ahaa in Astaamaha xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuurigu kala noqdaan Dameer &amp; Maroodi.<\/p>\n<figure id=\"attachment_47513\" aria-describedby=\"caption-attachment-47513\" style=\"width: 727px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"wp-image-47513 size-full\" src=\"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/USA2.jpg\" alt=\"\" width=\"727\" height=\"976\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/USA2.jpg 727w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/USA2-223x300.jpg 223w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/USA2-696x934.jpg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/USA2-313x420.jpg 313w\" sizes=\"(max-width: 727px) 100vw, 727px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-47513\" class=\"wp-caption-text\">1876 Sawir-gacmeedka Nast ee loogu codeynayey xisbiga Jamhuuriyiinta,<\/figcaption><\/figure>\n<p>Sanadkii 1870 ayaa markii ugu horreysay waxa Astaanta Dameerka loo aqoonsaday in ay u taagan tahay ama ay leedahay koox siyaasadeed oo ka soo horjeedda si adagna u diiddan gelidda dagaal kasta oo aan la isku raacin, sanadkii xigay ee 1871 ayaa calaamadda Maroodiga waxa loo adeegsaday sawir-gacmeed uga digaya Jamhuuriyiinta in dagaalka dhexdooda ka socda uu dhibaato u heysan doono marka la gaaro doorashooyinka soodocda!<\/p>\n<figure id=\"attachment_47510\" aria-describedby=\"caption-attachment-47510\" style=\"width: 809px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"wp-image-47510 size-full\" src=\"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Thomas_H_Nast.jpg\" alt=\"\" width=\"809\" height=\"1156\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Thomas_H_Nast.jpg 809w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Thomas_H_Nast-210x300.jpg 210w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Thomas_H_Nast-768x1097.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Thomas_H_Nast-717x1024.jpg 717w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Thomas_H_Nast-696x995.jpg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Thomas_H_Nast-294x420.jpg 294w\" sizes=\"(max-width: 809px) 100vw, 809px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-47510\" class=\"wp-caption-text\">Thomas Nast waxa uu u dhashay Jarmalka hayeeshee waa qaatay dhalashada Mareykanka, waxa loo yaqaan in uu yahay Laashinka Farshaxanka ee Mareykanka waxa uu dhashay September 27, 1840, waxa uu dhintay December 7, 1902<\/figcaption><\/figure>\n<p><b>Thomas Nast\u00a0<\/b>ayaa 1874 waxa uu mar kale Wargeyska <strong>New York Herald Tribune<\/strong> ku baahiyey Sawir-gacmeed uu ku muujiyey Dameer &amp; Maroodi oo uu kalajeedo Astaamaha Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuriga, waxa uuna ciwaan uga dhigay <em><strong>Digniinta iskudayga raadinta muddo-xileed 3aad<\/strong><\/em>! xilligaas madaxweyne <strong>Ulysses S. Grant\u00a0<\/strong>ayaa iskudeyey in uu helo xilli-madaxeed 3aad si u xukumo Mareykanka, <b>Thomas Nast <\/b>waxa uu diiddanaa hanka madaxweyne Ulysses ee haweysiga mad saddexaad ee xilka madaxweynaha.<\/p>\n<p>Farshaxan<b> Thomas Nast <\/b>ayaa sii joogteeyey dhaqankiisa ah in marka uu ka hadlayo Jamhuuriyiinta uu adeegsado Maroodi, marka uu wax ka qorayo Dimoqraadiyiintana uu isticmaalo Dameer ilaa Farshaxanadii kalana ay raacaan oo astaamahaas u adeegsadaan labadaas kooxood.<\/p>\n<p>Gobolada Buluugga &amp; Gobolada guduudka<\/p>\n<figure id=\"attachment_47523\" aria-describedby=\"caption-attachment-47523\" style=\"width: 992px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"size-full wp-image-47523\" src=\"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ABC-red-and-blue-states-.jpg\" alt=\"\" width=\"992\" height=\"744\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ABC-red-and-blue-states-.jpg 992w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ABC-red-and-blue-states--300x225.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ABC-red-and-blue-states--768x576.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ABC-red-and-blue-states--80x60.jpg 80w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ABC-red-and-blue-states--265x198.jpg 265w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ABC-red-and-blue-states--696x522.jpg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/ABC-red-and-blue-states--560x420.jpg 560w\" sizes=\"(max-width: 992px) 100vw, 992px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-47523\" class=\"wp-caption-text\">Sawirka ABC<\/figcaption><\/figure>\n<p>Gobolada taageera xisbiga Dimoqraadiga oo Dameerku astaan u yahay waxa loo yaqaan Gobolada Buluugga ( Blue states) halka gobolada taageera ama uu ku guuleysta xisbiga Jamhuuriga oo Maroodigu u yahay astaan loo yaqaan gobolada guduudka ama casaanka (Red states)<\/p>\n<p>WQ: Avv:\u00a0<a href=\"https:\/\/www.facebook.com\/ahmed.guutaale\">Axmed Ciise Guutaale<\/a><br \/>\nDersa SHarciga, Qaanuunka &amp; Warbaahinta<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dameerka &amp; Maroodigu waa labada Astaamood ee ugu caansan siyaasadda Mareykanka, kuwaas oo lagu kala aqoonsado labada xisbi ee ugu waaweyn Mareykanka, waa xisbiga Dimoqraadiga oo Astaantiisu tahay Dameer iyo xisbiga Jamhuuriga oo Astaantiisu tahay Maroodi! Sida ay daabacday Shabakadda CNN sanadkii 1828 ayay ahayd markii ugu horreysay ee afka siyaasadda lagu adeegsaday laguna isticmaalay\u00a0&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":47508,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,72],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47500"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=47500"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47500\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":61033,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/47500\/revisions\/61033"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/47508"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=47500"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=47500"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=47500"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}