{"id":4671,"date":"2018-08-21T10:22:29","date_gmt":"2018-08-21T09:22:29","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=4671"},"modified":"2018-08-21T10:46:36","modified_gmt":"2018-08-21T09:46:36","slug":"dowladda-kenya-ayaa-baareysa-sida-sargaal-sare-oo-ka-tirsan-dowladda-soomaaliya-uu-ku-helay-dhalashada-dalka-kenya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-kenya-ayaa-baareysa-sida-sargaal-sare-oo-ka-tirsan-dowladda-soomaaliya-uu-ku-helay-dhalashada-dalka-kenya\/","title":{"rendered":"Dowladda Kenya ayaa baareysa sida sargaal sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya uu ku helay Dhalashada Dalka Kenya"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Kenya ayaa baaritaan ku haysa sida Sargaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku helay dhowr Baasaboor oo Keyan ah iyo Kaarka aqoonsiga dhalashada kuwaas oo ay taariikhaha dhalashadu ay is khilaafsan yihiin.<\/p>\n<p>Mr: Axmed Fahad Daahir, kuxigeenka agaasimaha hay\u2019adda Nabadsugigga Soomaaliya ayaa haysta Baasaboor Kenyan ah oo Lambarkiisu yahay C024542 iyo Kaarta aqoonsiga haybta ama dhalashada oo isna Lambarkiisu yahay\u00a0 22847167 waxaana Baasaboorkaas iyo Kaarkaas hadda ku socda baaritaan.<\/p>\n<figure id=\"attachment_4676\" aria-describedby=\"caption-attachment-4676\" style=\"width: 768px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"size-full wp-image-4676\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/kenyan-basab-768x574-1.png\" alt=\"\" width=\"768\" height=\"574\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/kenyan-basab-768x574-1.png 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/kenyan-basab-768x574-1-300x224.png 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/kenyan-basab-768x574-1-80x60.png 80w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/kenyan-basab-768x574-1-265x198.png 265w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/kenyan-basab-768x574-1-696x520.png 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/kenyan-basab-768x574-1-562x420.png 562w\" sizes=\"(max-width: 768px) 100vw, 768px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-4676\" class=\"wp-caption-text\">Baasaboorka Kenya<\/figcaption><\/figure>\n<p><strong>Kaarka Aqoonsiga Soomaaliya<\/strong><\/p>\n<p>Mr Daahir\/ Fahad Yaasiin waxaa uu sheegay In uu ku dhashay Mandheera 19-July-1978,iyada oo kaarkiisa aqoonsiga Soomaaliga ah uu helay 13-July 2017,kuna qorantahay in uu ku dhashay Soomaaliya.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4677\" src=\"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/Fahad.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"563\" srcset=\"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/Fahad.jpg 800w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/Fahad-300x211.jpg 300w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/Fahad-768x540.jpg 768w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/Fahad-100x70.jpg 100w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/Fahad-696x490.jpg 696w, https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/08\/Fahad-597x420.jpg 597w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/p>\n<p>Laakiin sida ay muujisay faahfaahinta kaarkiisa Aqoonsiga ee Kenya waxaa\u00a0 uu dhashay 5tii April 1978, Dukumiintigaasna waxa laga soo saaray Bariga Mandheera sanadkii 2001dii.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Madaxa laanta Socdaalka, Hubinta Soohdimaha\u00a0 iyo dad dhigidda Sarreeye Guud (Rtd) Gordon Kihalang\u2019wa, ayaa Isniintii xaqiijiyay in ay baaritaan ku billaabeen arrintaas,waxaana uu ka gaabsaday in uu faah faahin dheeraad ah bixiyo.<\/p>\n<p>\u201cWaxa aan helnay xogtan,waxaana isku dayeynaa in aan ogaanno sida Dukumiintiyadan uu ku helay shaqsigaas \u201c ayuu yiri Mr Kihalang\u2019wa,<\/p>\n<p><strong>Muwaaddinnimada<\/strong><\/p>\n<p>Qodobka 14aad farqadiisa 1aad ee Dastuurka Kenya,waxaa uu sheegayaa in qofka uu muwaaddin yahay haddii uu ku dhashay Kenya,xitaa haddii labadiisa waalid midkood uusan Kenyaan ahayn.<\/p>\n<p>Agaasimaha laanta Socdaalka \u00a0Alexander Muteshi ,ayaa isaguna arrintan xaqiijiyay waxaana uu sheegay in baaritaan ay ku hayaan.<\/p>\n<p>\u201c<em>Kooxdeenna baaritaanka ayaa sax ahaanshaha Dukumiintiyadan mar horeba billowday\u00a0 Baaritaan,waxa aan ogahay ayaa ah in sharciga Soomaaliya uu la mid yahay Midka Kenya, qofkana qaadan karo laba dhalasho balse waxaa ay su\u2019aasha ka taagan tahay habka sarkaalka sare uu ku helay isaga oo waliba xil sare ka haya Soomaaliya<\/em>\u201d.<\/p>\n<p>Kenya dadkeeda waxaa mamnuuca ka ah in qofka heysta labo dhalasho uu xil sare ka qabto Dalka.<\/p>\n<p><strong>Qaxootinnimada<\/strong><\/p>\n<p>Agaasimihii hore ee Hay\u2019adda Nabad Sugidda Kenya, \u00a0Mr Muteshi,ayaa sheegay in ay suuragal tahay in Fahad uu kaarka iyo Dukumiintiga helay xilligii Soomaalida ugu badan ay ku qaxeen Kenya ee 1990.<\/p>\n<p><strong>Source<\/strong>: Daily Nation<\/p>\n<p>David Mwere<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Kenya ayaa baaritaan ku haysa sida Sargaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku helay dhowr Baasaboor oo Keyan ah iyo Kaarka aqoonsiga dhalashada kuwaas oo ay taariikhaha dhalashadu ay is khilaafsan yihiin. Mr: Axmed Fahad Daahir, kuxigeenka agaasimaha hay\u2019adda Nabadsugigga Soomaaliya ayaa haysta Baasaboor Kenyan ah oo Lambarkiisu yahay C024542 iyo Kaarta&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4669,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4671"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4671"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4671\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4669"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4671"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4671"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4671"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}