{"id":46294,"date":"2016-10-04T16:23:49","date_gmt":"2016-10-04T15:23:49","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=46294"},"modified":"2020-10-04T16:29:28","modified_gmt":"2020-10-04T15:29:28","slug":"wajiyo-kala-duwan-iyo-aragti-isku-mid-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wajiyo-kala-duwan-iyo-aragti-isku-mid-ah\/","title":{"rendered":"Wajiyo kala duwan iyo Aragti isku mid ah!"},"content":{"rendered":"<p>Billaabashada ololaha doorashooyinka madaxtinimo \u00a0ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiya, waxa uu ka dhigan yahay soo if bixidda aragti iyo tusaale kala duwan, oo cod bixiyayaasha shacabka, sida dadban u matalaya siiya xulasho ay ku kala doortaan murshaxiinta u taagan xilka madaxwenaha Soomaaliya hogaamin doona Afarta sano ee soo socota.<\/p>\n<p>Caqabadda ugu weyn ee murashaxa madaxtinimo qabsan doonta ayaa ah, sida uu wakiillada dadban ee shacabka ugu qancin lahaa in uu isagu yahay shaqsiga xilkan ku habboon isaga oo aan soo bandhigin qorshe ka duwan kan marashaxiinta isaga la midka ah ay la soo shir tageen.<\/p>\n<p>Murashaxiinta aan wareystay iyo kuwa aan aragtiyadooda aqriyayba wali kuma arag qorshe qaran oo loo riyaaqo, kaas oo taabanaya nolosha shacabka Soomaaliyeed, marka laga reebo erayo waaweyn oo mararka qaar in la fasiro ay ku adagtahay bulshada inteeda kale.<\/p>\n<p>Ereyadaas \u00a0habayaraatee ka turjumeyaan baahida ummadda ay doonayaan in ay xukumaan.<\/p>\n<p>Inkasta oo aysan shacabku ahayn cidda wax soo dooran doonta oo qiimeyntoodu aysan wax badan ka baddaleynin ciyaarta siyaasadeed ee ergada ka billaabata kadibna odayaasha soo marta, xildhibaannadana ku dhamaata haddana, waxa ay\u00a0 xaq ugu leeyihiin in ay ogaadaan barnaamijyada siyaasadeed- haddiiba ay jiraan- oo qorshayaashu aysan ku ekaan Afarta sano ee soo socota oo kaliya.<\/p>\n<p>Tartanka is muujinta ah ee iminkaba billowday ayaa ku qotoma qorshayaal, aragti iyo mabaadi\u2019 isku mid ah oo is barbar socda, taas oo maskaxdaada ku soo ridaya su\u2019aasha ah:\u00a0<strong>Haddiiba isku aragti laga yahay hoggaaminta dalka<\/strong> -waaba haddii ay aragti jirtee-<strong>\u00a0maxaa loogu baahday in la tartamo?\u00a0<\/strong>Tusaale ahaan; qorshayaasha ammaanka ee illaa iyo iminka ay murashaxiintu soo bandhigeen waxa ay ku qotomaan\u00a0<strong>Dhisme ciidan qaran oo hanan kara ammaanka dalka\u00a0<\/strong>Balse, midkoodna ma hayo jawaabta su\u2019aasha ah\u00a0<strong>sidee<\/strong>. Ma jiro musharax soo bandhigay qorshaha ay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee\u00a0<strong>AMISOM\u00a0<\/strong>\u00a0dalka uga baxayaan.<\/p>\n<p>Sidaasi si la mid ah shaqo la\u2019aanta, dhaqaalaha iyo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay, oo gaaraya ilaa shan bilyan oo Doollar, Federaalka, Soomaaliland iyo arrimaha kale ee sida tooska ah u taabanaya nolosha bulshada.<\/p>\n<p>Hal ku dhigyada ayaa iyana isku mid ah sida inuusanba Af-Soomaaligu ku filleyn in la kala erayo duwanaado xitaa haddii uusan fekerku kala duwanayn.<\/p>\n<p>Erayada; Caddaalad, Sinnaan, Horumar, Nabad iyo kuwa lamid ah ayaa ku soo laalaabta boorarka waaweyn ee Muqdisho iyo baraha bulshada Internetkaba lagu sharraxay balse Wajiyadu waa kala duwan yihiin.<\/p>\n<p>Marka si guud loo eego tartanka hordhaca ah ee warbaahinta ka socda waxa uu u dhaxeeyaa mas\u2019uuliyiinta dowladda uu xilligeeda sii dhamaanayo iyo mas\u2019uuliyiin hore oo \u00a0mucaarad u muuqda, kooxda hore waxa ay ka hadashaa wixii ay soo qabteen oo sida ay u arkaan qabyo tir u baahan, kooxda dambane waxa ay ka hadashaa qaladaadka dowladda si ay u muujiyaan in aysan u qalmin in mar kale la doorto balse, labada dhinacba ma hayaan qorshe shaqo oo haddii ay guuleystaan ay hadaladooda ficil gu rogaan.<\/p>\n<p>Istraatiijiyadda ah muujinta ceebaha murashaxa kula tartamaya oo ah mid kamid ah tabaha caalamiga ah ee olelayaasha doorshooyinka, ayey murshaxiinta mucaaradka isku ekeysiiya si aad ah u isticmaalaan, iyaga oo iska illoobay in ay suuq geystaan aragtiyadooda si ay cod bixiyayaal u kasbadaan, iyada oo siyaasadda ceebeynta murashaxiinta kale ay mararka qaar galaafato hay\u2019ado bulsho oo aan siyaasad ka shaqeyn sida hay\u2019ada waxbarasho.<\/p>\n<p>Murashaxiinta mucaaradku waxa ay ku mideysan yihiin mucaaradnimada murashaxiinta xilka mar labaad raadinaya, balse iyaga dhexdooda kuma mideysna Aragti iyo musharrax qura.<\/p>\n<p>Xubnaha labada Aqal ee la soo xuli doono kuwooda waddaninimadu ku dambeyso, waxaa ku adkaan doonta kala xulashada wajiyada murashaxiintaa tirada badan ee isku afka ah, taas oo u badan in ay ugu dambeynta iyaguna yagleelaan cabbirro cusub oo qabiil iyo kooxeysi noqonaya, natiijo aan Soomaalidu mahadinna soo saarta.<\/p>\n<p>Waxaa habboon in masharaxiintu dib ugu laabtaan qaabka ay dadka ula hadlayaan iyo waxa ay u sheegayaan oo ay qorshayaashooda iyo waxa ay ummaadda u qabanayaan ka hadlaan, intii ay baarayaal iyo hay\u2019ado la dagaallama musuqa isku beddeli lahaayeen.<\/p>\n<p>In wajiyadu kala duwanaadaan sida hal qabsiga noqotayba, kama dhigna isbedel haddiiba aad masuul dowladeed horay u soo ahayd, aragtidaada dowladnimada, qorshahaaga iyo mabaadi\u2019daadanu aysan caddayn, Ilama ah in aad kalsooni ka heli karto ceebeynta nidaamka aad dooneysid inaad hoggaamiso.<\/p>\n<p><strong>WQ: CaliNuur Salaad<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Billaabashada ololaha doorashooyinka madaxtinimo \u00a0ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiya, waxa uu ka dhigan yahay soo if bixidda aragti iyo tusaale kala duwan, oo cod bixiyayaasha shacabka, sida dadban u matalaya siiya xulasho ay ku kala doortaan murshaxiinta u taagan xilka madaxwenaha Soomaaliya hogaamin doona Afarta sano ee soo socota. Caqabadda ugu weyn ee murashaxa madaxtinimo qabsan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":46296,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[102],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46294"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=46294"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/46294\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/46296"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=46294"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=46294"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=46294"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}