{"id":4535,"date":"2018-08-19T12:48:23","date_gmt":"2018-08-19T11:48:23","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=4535"},"modified":"2018-08-19T12:48:23","modified_gmt":"2018-08-19T11:48:23","slug":"hordhca-real-madrid-vs-getafe-iyo-wax-walba-oo-aad-ugu-baahantahay-kulankan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/hordhca-real-madrid-vs-getafe-iyo-wax-walba-oo-aad-ugu-baahantahay-kulankan\/","title":{"rendered":"Hordhca: Real Madrid Vs Getafe iyo wax walba oo aad ugu baahantahay Kulankan."},"content":{"rendered":"<p>Kooxda Real Madrid ayaa bilaaban doonta horyaalka La Liga marka ay garoonkeeda ku marti galinayaan kooxda Getafe kulan noqon doona midkii ugu horeeyay ee ay ciyaari doonto horyaalka iyada oo ay ka maqan yihiin Cristiano Ronaldo iyo Zinedine Zidane kuwaas oo ka tagay xagaagii.<\/p>\n<p>Los Blancos oo si weyn uga niyad jabtay suuqii xagaaga lana soo wareegin xiddigo waaweyn oo ay ku xoojiso kooxda ayaa si weyn u doonaysa in ay guul ku bilaabato xilli ciyaareedka cusub.<\/p>\n<p>Real ayaa sidoo kale doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii ka soo gaartay Atletico Madrid koobkii UEFA Super Cup-ka.<\/p>\n<p>Getafe ayaa dhankeeda kulanka u soo galaysa sidii ay milix u sii marin lahayd dhaawaca Real Madrid guuldarana ugu badi lahayd garoonkeeda.<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>Kulanka: Real Madrid Vs Getafe.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Tartanka: La Liga<\/strong><\/p>\n<p><strong>Wakhtiga: 11:15 Habeenimo<\/strong><\/p>\n<p><strong>Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu<\/strong><\/p>\n<p><strong>XAQIIQOOYINKA KULANKA:<\/strong><\/p>\n<p>Real Madrid ayaa badisay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ee ay la ciyaartay kooxda Getafe.<\/p>\n<p>Shantii kulan ee ugu dambaysay ee waj-ka wajiga ah ee labada kooxood ee horyaalka La Liga ayay labada kooxoodba shabaqa soo taabteen.<\/p>\n<p>Tobankii kulan ee ugu dambeeyay ee waj-ka wajiga ah ee labada kooxood ee horyaalka La Liga ayaa kulanka laga dhaliyay 3 gool iyo wax ka badan.<\/p>\n<p>Getafe ayaa kaliya hal kulan oo La Liga ah ku badisay Santiago Bernabeu laakiin waxa laga badiyay 11 kulan oo mid ah 13 kulan oo ay la ciyaartay Real.<\/p>\n<p>Kooxda Real Madrid ayaa 9 kulan oo xiriir ah kaga badisay kooxda Getafe ka hor kulankoodan ee horyaalka La Liga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kooxda Real Madrid ayaa bilaaban doonta horyaalka La Liga marka ay garoonkeeda ku marti galinayaan kooxda Getafe kulan noqon doona midkii ugu horeeyay ee ay ciyaari doonto horyaalka iyada oo ay ka maqan yihiin Cristiano Ronaldo iyo Zinedine Zidane kuwaas oo ka tagay xagaagii. Los Blancos oo si weyn uga niyad jabtay suuqii xagaaga lana&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":4536,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4535"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4535"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4535\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4536"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4535"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4535"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4535"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}