{"id":4512,"date":"2018-08-19T10:27:11","date_gmt":"2018-08-19T09:27:11","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=4512"},"modified":"2018-08-19T10:27:11","modified_gmt":"2018-08-19T09:27:11","slug":"barcelona-oo-guul-ku-furatay-horyaalka-la-liga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/barcelona-oo-guul-ku-furatay-horyaalka-la-liga\/","title":{"rendered":"Barcelona Oo Guul ku furatay Horyaalka La Liga."},"content":{"rendered":"<p>Kooxda Barcelona ayaa guuld weyn ku bilaabatay difaashada horyaalka La Liga xilli ciyaarreedka cusub ee 2018\/2019 kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.<\/p>\n<p>Barcelona ayaa guul dirqi ah ah oo ay ku dhibaatootay ka gaartay kooxda Deportivo Alaves kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.<\/p>\n<p>Saaxiibada Kabtan Lionel Messi ayaa ciyaarta ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo hawada ka qariyay kooxda Alaves wax walbana u sameeyay sidii ay dhalin lahaayeen goolka furitaanka.<\/p>\n<p>Isku dayadii Barcelona ayaa mar walba ku hagaagayay goolhayaha kooxda Alaves ama bairta ama daafaca kooxda Alaves kuwaas oo isku xidhnaa.<\/p>\n<p>Alaves ayaa dhankeeda dhawr jeer ku dhawaatay in ay gool rogaal celis ah ka dhaliyaan kooxda Barcelona iyaga oo inta badan daafac ku jiray.<\/p>\n<p>Waxa bar-baro goolal la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo ay kooxda Barcelona ahayd kooxda awooda badan.<\/p>\n<p>Qaybtii dambe ayay Barcelona ku bilaabatay si diiran iyaga oo raadinaya in ay dhaliyaan goolka furitaanka ciyaartana wax uga badalaan.<\/p>\n<p>Sidii qaybtii hore kooxda Alaves ayaa ku soo galay qaab ciyaareed daafac ah iyaga oo uu damac ka galay in ay bar-baro ku qabtaan kooxda Barcelona.<\/p>\n<p>Laakiin Lionle Messi ayaa midaas diiday isaga oo daqiiqadii 64-aad ciyaarta wax ka badlay kooxdiisana u dhiibay hogaanka una dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka cusub.<\/p>\n<p>Kabtanka Kooxda ee Lionel Messi ayaa daqiiqado yar kadib dhalin gaadhay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta laakiin kubadii uu laagay ayaa ku dhacday birta kooxda Alaves.<\/p>\n<p>Barcelona ayaa daqiiqadii 83-aad dhalisay goolka 2-aad ee Ciyaarta iyaga oo uu si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho kaas oo ciyaarta ka dhigay 2\/0.<\/p>\n<p>Lionel Messi ayaa mar kale soo booqday shabaqa Alaves isaga oo daqiiqadii 90_1-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa Barcelona<\/p>\n<p>Waxa sidaas ku dhmaatay guul ay Barcelona ka gaartay kooxda Deportivo Alaves guulna ku furtay xilli ciyaareedka cusub iyo difaacashadeeda horyaalka La Liga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kooxda Barcelona ayaa guuld weyn ku bilaabatay difaashada horyaalka La Liga xilli ciyaarreedka cusub ee 2018\/2019 kulan ka dhacay garoonka Camp Nou. Barcelona ayaa guul dirqi ah ah oo ay ku dhibaatootay ka gaartay kooxda Deportivo Alaves kulan ka dhacay garoonka Camp Nou. Saaxiibada Kabtan Lionel Messi ayaa ciyaarta ku bilowday si dar-dar leh iyaga&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":4513,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4512"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4512"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4512\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4513"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4512"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4512"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4512"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}