{"id":4491,"date":"2018-08-19T08:06:08","date_gmt":"2018-08-19T07:06:08","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=4491"},"modified":"2018-08-19T08:07:28","modified_gmt":"2018-08-19T07:07:28","slug":"wasiir-goodax-oo-soo-saaray-nidaamka-hirgelinta-waxbarashada-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wasiir-goodax-oo-soo-saaray-nidaamka-hirgelinta-waxbarashada-dalka\/","title":{"rendered":"Wasiir Goodax oo soo saaray Nidaamka Hirgelinta waxbarashada Dalka"},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaam dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho.<\/p>\n<p>Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana kamid ah , si looga fogaado jahawareer ku dhaca caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dusgiyada waxbarashada dalka islamarkana loo dhaqan geliyo siyaasadda\u00a0 iyo manhajka qaranka\u00a0 ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.<\/p>\n<p><strong>Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka<\/strong><\/p>\n<p>1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugagta cusub ee ku saleysan manhajka\u00a0 qaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasalada\u00a0 hoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka.<\/p>\n<p>2-Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka\u00a0 ayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga ee\u00a0 fasalka sideedaad ee loogu gudbo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaada loogu gudbayo.<\/p>\n<p>T,Imtixaanka\u00a0 fasaladka afraad\u00a0 waxaa qaadaya\u00a0 wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka.<\/p>\n<p>J,shahaadda dugsiyada sare\u00a0 waxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadka\u00a0 iyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardeyda gobolka Banaadir.<\/p>\n<p><strong>\u00a03- Sannad dugsiyeedka xiligiisa.<\/strong><\/p>\n<p>Dhamaan dugsiyada waxay galayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaad\u00a0 wuxuu bilaaban doonaa bisha Ogosto sabtida ugu horeysay wuxu dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bisha\u00a0 December ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaan\u00a0 Sabtiga ugu horeeya\u00a0 ee bisha janaayo wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha maaj.<\/p>\n<p><strong>4-Afafka lagu baranayo manhajka<\/strong>.<\/p>\n<p>Dugsiyada hoose dhexe waxay wax ku baran doonaan afka Soomaaliga.<\/p>\n<p>Afka carabiga waxaa maado ahaan\u00a0 laga bilaabayaa\u00a0 fasalka koowaad dugsiga hoose.<\/p>\n<p>Afka Ingiriiska maado ahaan waxaa lagu bilaabaya fasaladka sadddexaad dugsiyada hoose.<\/p>\n<p>Dugsiga sare waxaa wax lagu\u00a0 baranayaan Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriiska iyadoo la raacayo manhajka qaranka.<\/p>\n<p>5- Fasaxyada sannad dugsiyeedka waxaa la raacayaa kalandarka wasaaradda ay soo saartay sannad dugsiyeedka.<\/p>\n<p>Dugsiyada sare wuxuu qaadan doonaa 10 maado.<\/p>\n<p>Dugsiga dhexe wuxuu qaadan\u00a0 8 maado.<\/p>\n<p>Dugsiga hoose wuxuu qaadan 8 maado.<\/p>\n<p>Dugsiga sare wuxuu qaadan doonaa 10 bilood<\/p>\n<p>Dugsiga dhexe\u00a0 wuxuu qaadan doonaa 10 bilood.<\/p>\n<p>Dugsiga hoose wuxuu qaadan doonaa\u00a0 10 bilood.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaam dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana kamid ah , si looga&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4494,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4491"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4491"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4491\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4494"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4491"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4491"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4491"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}