{"id":4335,"date":"2018-08-16T18:04:19","date_gmt":"2018-08-16T17:04:19","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=4335"},"modified":"2018-08-16T18:04:19","modified_gmt":"2018-08-16T17:04:19","slug":"dowladda-somaliya-oo-tirakoobeysa-ajaanibta-ku-sugan-gudaha-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/dowladda-somaliya-oo-tirakoobeysa-ajaanibta-ku-sugan-gudaha-dalka\/","title":{"rendered":"Dowladda Somaliya oo tirakoobeysa Ajaanibta ku sugan gudaha dalka."},"content":{"rendered":"<p>Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa go\u2019aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibta ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalka si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ay ka samaynayaan gudaha dalka iyada oo la waafajinayo hannaanka qaxootiga iyo socdaalka ee u yaalla dunida.<\/p>\n<p>Go\u2019aankaan lagu ritakoobayo ajaanibta ayaa kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada ee maanta oo uu shir-gudoomiyay Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, kaas oo ay kasoo qayb galeen mas\u2019uuliyiinta hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka war bixiyay qodobadii looga hadlay kulanka ayaa sheegay in dood ay golohu ka yeesheen kadib in, tirakiibka ajaanibta ku sugan gudaha Soomaaliya oo dawladda ka saacidayaa in ay hesho xogta dhamaystiran ee qof waliba ajnabi ah, loo saaray guddi uu hogaaminayo Ra\u2019iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), guddigaas oo xukuummadda kusoo celinaya natiijada kasoo baxda baaritaanka ay samaynayaan si uu dawladda.<\/p>\n<p>Kororka ajaanibta kusoo qulqulaysa dalka ayaa timid kadib markii dawladda Soomaaliya ay qaaday tillaabooyin lagu hagaajinayo amniga kuwaas oo soo jiitay ajaanib badan oo isugu jira shaqo doon, maal-gashadayaal iyo kuwa wata fikrada ganacsi oo ay doonayaan in ay ka hir geliyaan gudaha dalka si ay uga helaan faa\u2019iido dhaqaale.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa go\u2019aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibta ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalka si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ay ka samaynayaan gudaha dalka iyada oo la waafajinayo hannaanka qaxootiga iyo socdaalka ee u yaalla dunida. Go\u2019aankaan lagu ritakoobayo ajaanibta ayaa kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada ee maanta oo uu&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4336,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4335"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4335"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4335\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4336"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4335"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4335"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4335"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}