{"id":4218,"date":"2018-08-15T11:31:32","date_gmt":"2018-08-15T10:31:32","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=4218"},"modified":"2018-08-15T11:31:32","modified_gmt":"2018-08-15T10:31:32","slug":"daacish-oo-lacago-ku-soo-rogtay-ganacsatada-boosaaso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/daacish-oo-lacago-ku-soo-rogtay-ganacsatada-boosaaso\/","title":{"rendered":"Daacish oo lacago ku soo rogtay Ganacsatada Boosaaso."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ay Magaalada Boosaaso ka heleyso Idaacadda Mustaqbal waxaa ay sheegayaan in Ururka Daacish uu dhaqaale bille ah ku soo rogay Ganacsatada Magaaladaas.<\/p>\n<p>Arrintan waxaa ay walaac\u00a0 iyo cabsi ku abuurtay Ganacsatada Magaalada Boosaaso,iyaga oo sheegaya in dil loogu hanjabayo haddii aysan bixin lacago xad dhaaf ah oo ay Daacish ku rogtay Ganacsatada.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah Ganacsatada oo diiday in Magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in Bilihii la soo dhaafay ay Daacish tilifoonno iyo farriimo kula xiriireysay Ganacsatad iyada oo kuwa diida dil loogu hanjabayay.<\/p>\n<p>Qof ka mid ah Ganacsataa Boosaaso ayaa sheegay in Al-shabaab ay si caadi ah lacagaha uga qaadaan Ganacsatada Boosaaso islamarkaana aysan hadda Ganacsade u dileyn lacag uu bixin waayay.<\/p>\n<p>Daacish ayaa isku dayeysa in ay saameyn ku yeelato Ganacsatada waxaana shakiga ugu weyn uu dhashay wixii ka dambeeyay 7dii Bishan August markaas oo magaalada Boosaaso lagu dilay Maareeye ku xigeenkii sharikadda Golis .<\/p>\n<p>Dilkaas Al-shabaab waa ay iska fogeysay,waxaana soo baxaya warar sheegaya ay suuragal tahay in Ururka Daacish geysteen.<\/p>\n<p>Xogaha qaar ayaa muujinaya in Ururka Daacish uu bishiiba Magaalada Boosaaso ka helo lacag dhan $72,000 oo doollarka Mareykanka ah.<\/p>\n<p>Puntland hadda kama jirto Hay\u2019ad Nabad Sugid iyada oo Taliyayaashii Hay\u2019adahaas xilka laga qaaday,gadaashoodna aan la magacaabin ciddii beddeli lahayd.<\/p>\n<p>Ganacsatada Boosaaso ayaa sheegaya in cabsida ugu weyn ee ay qabaan ay tahay in la dilo haddii aysan qaadan amarka Daacish ee bixinta lacagaha billaha ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ay Magaalada Boosaaso ka heleyso Idaacadda Mustaqbal waxaa ay sheegayaan in Ururka Daacish uu dhaqaale bille ah ku soo rogay Ganacsatada Magaaladaas. Arrintan waxaa ay walaac\u00a0 iyo cabsi ku abuurtay Ganacsatada Magaalada Boosaaso,iyaga oo sheegaya in dil loogu hanjabayo haddii aysan bixin lacago xad dhaaf ah oo ay Daacish ku rogtay Ganacsatada. Qaar ka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":4219,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,77,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4218"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4218"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4218\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4219"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4218"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4218"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4218"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}