{"id":41306,"date":"2020-06-06T11:51:48","date_gmt":"2020-06-06T10:51:48","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=41306"},"modified":"2020-06-06T13:30:00","modified_gmt":"2020-06-06T12:30:00","slug":"cabdimaalik-muuse-coldoon-oo-sanad-iyo-bar-kadib-maanta-lasii-daayay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/cabdimaalik-muuse-coldoon-oo-sanad-iyo-bar-kadib-maanta-lasii-daayay\/","title":{"rendered":"Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Sanad iyo bar kadib maanta lasii daayay."},"content":{"rendered":"<p>Magaalada Hargeysa Xarunta Maamulka Somaliland waxaa maanta laga sii daayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sanad iyo labo bilood xirnaa, waxaa la qabtay 19-kii Bishii April 2019-kii, kadib markii eedeymo loo jeediyay.<\/p>\n<p>Coldoon waxaa laga soo qabtay Magaalada Burco oo uu ku sugnaa todobaadkii la xiriyay, waxaana dadaalo lagu sii deynayo sameeyay mas\u2019uuliyiin ka kala tirsan Xisbiyada Wadani, UCID iyo hay\u2019adaha u dooda Suxufiyiinta.<\/p>\n<p>8-tii Bishii July isla sanadkaan 2019-kii, Maxkamadda Magaalada Hargeysa ayaa lasoo taagay, iyada oo ku xukuntay saddex sano iyo 6-bilood, kadib markii lagu eedeeyay qodob oo kala ah:<\/p>\n<p><strong>\u201cTaliskani tubtiibuu hayaa waa talisyadii hoogay\u201d<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u201d Taliska Muuse Biixi Waa Taliskii Cabdi ilay oo soo koraya\u201d<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u201cDugsiga Abaarso waxaa ardayda lagu baraa isu galmoodka dadka isku jinsiga ah iyo in dugsigaasi lagu barto diin aan ahayn Islaam\u201d.<\/strong><\/p>\n<p>Inkasta oo qareenadiisa ka bari yeeleen dhammaan eedemahaas balse xeer ilaalinta ayaa ku dhaqaaqday fulinta, taasina waxa ay sababtay in xabsiga la dhigo isaga oo loo jaray warqadda lagu xiray.<\/p>\n<p>Soo deynta Cabdimaalik Muuse Coldoon waxaa ka qaybgalay xubno laga magac tilmaamay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro iyo mas\u2019uuliyiin kale sida Coldoon oo uu u xaqiijiyay Warbaahinta.<\/p>\n<p>Ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyaa in ay Suxufiyiinta Madaxa banaan xiraan, albaabada isugu dhuftaan xarumaha ay ka shaqeeyaan iyo caga-jugleyn joogto ah, taasi waxa ay sababtay in deegaanada Somaliland laga diiwaangeliyo Wariyaasha ugu badan ee la xiro.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Magaalada Hargeysa Xarunta Maamulka Somaliland waxaa maanta laga sii daayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sanad iyo labo bilood xirnaa, waxaa la qabtay 19-kii Bishii April 2019-kii, kadib markii eedeymo loo jeediyay. Coldoon waxaa laga soo qabtay Magaalada Burco oo uu ku sugnaa todobaadkii la xiriyay, waxaana dadaalo lagu sii deynayo sameeyay mas\u2019uuliyiin ka kala&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":41307,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,72,76,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41306"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=41306"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/41306\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/41307"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=41306"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=41306"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=41306"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}