{"id":39403,"date":"2020-04-24T05:59:04","date_gmt":"2020-04-24T04:59:04","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=39403"},"modified":"2020-04-24T05:59:04","modified_gmt":"2020-04-24T04:59:04","slug":"maxay-kawada-hadleen-madaxda-soomaaliya-jabuuti-iyo-qadar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-kawada-hadleen-madaxda-soomaaliya-jabuuti-iyo-qadar\/","title":{"rendered":"Maxay kawada hadleen Madaxda Soomaaliya, Jabuuti iyo Qadar?"},"content":{"rendered":"<p>Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha DFS ayaa wadahadal qadka telefoonka ah la sameeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Amiirka Qadar Sheekh Tamin Bin Xamda Aala taani.<\/p>\n<p>Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya waxaa lagu sheegay in xiriirka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa Jabuuti ay kaga tashadeen sidii wax looga qaban lahaa Cudurka Coronavirus oo saameyn taban ku yeeshay labada dal.<\/p>\n<p>Dhanba dhanka kale waxa uu la wadaagay sida uu ugu walwalsan yahay faafidda covid-19, garabka ay isaga baahan yihiin iyo iskaashi xooggan oo ay ka sameeyaan.<\/p>\n<p>Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu labada Shacab alle ugu baryay in uu ka dulqaado Cudurka halista badan ee Coronavirus iyo dhammaan dhibaatooyinka gaatka ah ee laga dhaxlay.<\/p>\n<p>Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo waxa uu xiriir telefoonka ah uu la sameeyay Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamda Aala Thaani oo ay kawada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo doorka Xukuumadda Dooxa ka qaadan karto.<\/p>\n<p>Habeen kahor Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu qadka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga oo ay kawada hadleen Cudurka Coronavirus oo kiisaska laga helay Soomaaliya uu sii kordhay isla markaana kor u dhaafay 328 ruux sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka XFS.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha DFS ayaa wadahadal qadka telefoonka ah la sameeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Amiirka Qadar Sheekh Tamin Bin Xamda Aala taani. Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya waxaa lagu sheegay in xiriirka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa Jabuuti ay kaga tashadeen sidii wax looga qaban lahaa Cudurka Coronavirus oo saameyn taban&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":39404,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39403"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39403"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39403\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39404"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39403"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39403"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39403"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}