{"id":39378,"date":"2020-04-23T08:35:40","date_gmt":"2020-04-23T07:35:40","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=39378"},"modified":"2020-04-23T08:35:40","modified_gmt":"2020-04-23T07:35:40","slug":"qaramada-midoobay-covid-19-waxa-uu-horseeday-macluul-daran-oo-caalaami-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/qaramada-midoobay-covid-19-waxa-uu-horseeday-macluul-daran-oo-caalaami-ah\/","title":{"rendered":"Qaramada Midoobay:-Covid-19 waxa uu horseeday macluul daran oo caalaami ah."},"content":{"rendered":"<p>Ka dib dilaacidii Coronavirus Dunida ayaa wajaheysa macaluul badan bilo gudahood, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, iyadoo ka digaysa in cudurka coronavirus uu gaaro 130 oo qod ku waas oo gaajo la ildaran sida ay saadaaliyeen quburada.<\/p>\n<p>Macluusha ayaa laga yaabaa in ay gaarto \u201cqiyaastii saddex iyo toban dal\u201d oo ay ka jiraan xaalad cakiran, iyada oo agaasimaha fulinta Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) uu ka sheegay khudbad xasaasi ah maalintii talaadada. \u201cToban ka mid ah waddamadaas ayaa in ka badan 1 milyan oo qof gaajo ugu dhimanaya\u201d, ayuu yiri.<\/p>\n<p>Waxa uu tusaale u soo qaatay khilaafka, hoos u dhaca dhaqaalaha, gargaarka iyo sicirka saliidda iyadoo ay jiraan arrimo u horseedi kara cunno yaraan, wuxuuna ku boorriyay tallaabo deg deg ah in looga hortago musiibada.<\/p>\n<p>David Beasley waxa uu u sheegay golaha amaanka ee Qaramada midoobey in &#8220;wax laga qabto aafada masiibada ah ee&#8221; Covid-19 &#8220;, waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday macaluusha gaajada. &#8220;Waxa kale oo jirta khatar dhab ah oo dad badani ku dhiman karaan saamaynta dhaqaale ee Covid-19 marka loo eego fayras laftiisa.&#8221; Ayuu u sheegay Golaha amaanka.<\/p>\n<p>Hay&#8217;adda WFP ayaa horay uga digtay in 2020 ay u noqon doonto sanad ba&#8217;an dalal badan oo ay ka jirto \u00a0saboolnimo ama dagaalada sokeeye, iyadoo 135 milyan oo qof ay wajahayaan dhibaatooyin gaajo ah, waxaana laba jibaarmay dhibaata markii wadama qaarkood laga soo sheegay Coronavirus.<\/p>\n<p>Markii lagu daro 821 milyan oo qof oo horeyba baahi ba&#8217;an u qabay, saadaasha ayaa ah in macluushu gaari karto 1 bilyan oo qof sida ay hay\u2019addu qabto.<\/p>\n<p>&#8220;Wadamadan waxa ay la kulmi karaan isbadal baaxad leh waxa ay kala dooranayaan badbaadinta nolosha iyo ka hortaga xanuunka, dadka hadii laga badbaadiyo xanuunka waxa ay u dhimanayaan gaajo,&#8221; ayaa lagu yiri warbixinta.<\/p>\n<p>Toban dal ayaa si gaara loo xusay in ay ku jiraan qatar wayn, ka dib markii shaqooyinkooda uu saameeyay bandowga dalalkooda lagu soo rogay; Yemen, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Afgaanistaan, Venezuela, Ethiopia, South Sudan, Sudan, Syria, Nigeria iyo Haiti.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ka dib dilaacidii Coronavirus Dunida ayaa wajaheysa macaluul badan bilo gudahood, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, iyadoo ka digaysa in cudurka coronavirus uu gaaro 130 oo qod ku waas oo gaajo la ildaran sida ay saadaaliyeen quburada. Macluusha ayaa laga yaabaa in ay gaarto \u201cqiyaastii saddex iyo toban dal\u201d oo ay ka jiraan xaalad cakiran, iyada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":39379,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39378"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39378"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39378\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39379"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39378"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39378"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39378"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}