{"id":39375,"date":"2020-04-23T06:31:06","date_gmt":"2020-04-23T05:31:06","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=39375"},"modified":"2020-04-23T11:23:47","modified_gmt":"2020-04-23T10:23:47","slug":"bandow-lagu-soo-rogay-mandheera-si-looga-hortago-coronavirus","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/bandow-lagu-soo-rogay-mandheera-si-looga-hortago-coronavirus\/","title":{"rendered":"Bandow lagu soo rogay Mandheera si looga hortago Coronavirus."},"content":{"rendered":"<p>Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya ayaa mamnuucday isu socodka iyo ka bixida Gobolka Soomaalidu degto ee Mandheera si loo xakameeyo faafitaanka sii kordhaya ee xanuunka &#8216;Covid-19&#8217;.<\/p>\n<p>Wasiirka Amniga Gudaha kenya Fred Matiang&#8217;i ayaa soo saaray amarkan Arbacadii, isagoo xusay in ay kordheen dadka uu soo ridanayo xanuunka dillaaga ah ee Coronavirus.<\/p>\n<p>Laga soo bilaabo Abriil 22, gobolka Mandheera ee uu xukumo Mr Cali Rooba ayaa laga helay sideed kiis oo la xaqiijiyey in ay qabaan xanuunka coronavirus.<\/p>\n<p>Intaa waxaa sii dheer, in Kenya ku dhawaaqay Arbacadii in tirada kiisasku gaareen 303, Xoghayaha Golaha Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dadka qaar ay ka baxsadeen xarumaha karantiil ee gobolka.<\/p>\n<p>Matiang&#8217;i ayaa sheegay in joojinta amarrada dhaqdhaqaaqa ay dhaqan-gal tahay 7-da fiidnimo Arbacada ayna socon doonto 21 maalmood sida uu warbaahinta u sheegay Arbacadii.<\/p>\n<p>Dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay go&#8217;aanka, iyaga oo ka cabsi qaba saamaynta ka dhala karta faafitaanka Xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.<\/p>\n<p>Mandhera ayaa ka mid noqotay shanta gobol ee lagu soo rogay bandowga si loo xakameeyo xanuunka, waxaana horay bandowga loogu soo rogay goboladda Nairobi, Mombasa, Kilifi iyo Kwale oo dhamaantood laga diiwaan galiyay kiisas la xariira Coronavirus.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kenya ayaa mamnuucday isu socodka iyo ka bixida Gobolka Soomaalidu degto ee Mandheera si loo xakameeyo faafitaanka sii kordhaya ee xanuunka &#8216;Covid-19&#8217;. Wasiirka Amniga Gudaha kenya Fred Matiang&#8217;i ayaa soo saaray amarkan Arbacadii, isagoo xusay in ay kordheen dadka uu soo ridanayo xanuunka dillaaga ah ee Coronavirus. Laga soo bilaabo Abriil&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":39376,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39375"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39375"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39375\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39376"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39375"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39375"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39375"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}