{"id":39373,"date":"2020-04-23T05:41:54","date_gmt":"2020-04-23T04:41:54","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=39373"},"modified":"2020-04-23T05:41:54","modified_gmt":"2020-04-23T04:41:54","slug":"gudoonka-golaha-shacabka-oo-ka-tacsiyeeyay-geerida-ku-timid-xil-caateeye","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/gudoonka-golaha-shacabka-oo-ka-tacsiyeeyay-geerida-ku-timid-xil-caateeye\/","title":{"rendered":"Gudoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xil. Caateeye."},"content":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday kaga tacsiyadeeyay Geeridii ku Timid Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateye oo ku geeriyooday Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaanku mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanaayay dalka Jabuuti, hayeeshee arbacadii uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Jabuuti ee Caasimada dalkaasi.<\/p>\n<p>\u201cInnaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye mudooyinkii dambe ayuu ku xanuunsanaa Dalka Jabuuti waxa uuna ku geeriyooday Dalkaasi jabuuti\u201d ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha shacabka.<\/p>\n<p>\u201c Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayuu ka tirsanaa rabi naxriistii jano haka waraabiyo Anaga iyo ehelkiisana samir iyo iimaan illaahey ha inaga wada siiyo\u201d ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu kaga tacsiyeeyay ehelka Xildhibaanka, Mudanayaashii ay kawada tirsanayeen Golaha Shacabka iyo dhammaan Soomaalida.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay xildhibaan Cabdirahman Maxamuud Caateeye. Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, eheladiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo\u201d ayuu yiri Xasan Cali Khayre.<\/p>\n<p>Xildhibaan Caateeye oo ka mid ahaa golaha shacabka ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi jabuuti.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday kaga tacsiyadeeyay Geeridii ku Timid Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateye oo ku geeriyooday Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaanku mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanaayay dalka Jabuuti, hayeeshee arbacadii uu&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":36296,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39373"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39373"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39373\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/36296"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39373"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39373"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39373"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}