{"id":39301,"date":"2020-04-21T13:21:05","date_gmt":"2020-04-21T12:21:05","guid":{"rendered":"https:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=39301"},"modified":"2020-04-21T13:57:11","modified_gmt":"2020-04-21T12:57:11","slug":"nicolas-berlanga-dhalliishu-waa-qeyb-ka-mid-ah-nidaamka-dimoqraadiyadda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/nicolas-berlanga-dhalliishu-waa-qeyb-ka-mid-ah-nidaamka-dimoqraadiyadda\/","title":{"rendered":"Nicolas Berlanga: Dhalliishu waa qeyb ka mid ah Nidaamka Dimoqraadiyadda!"},"content":{"rendered":"<p>Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka 1 aad ee Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu ka hadlay Xoriyada hadalka iyo helitaanka Macluumaadka Wariyayaasha Howlgalada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Danjire <strong>Nicolas Berlanga<\/strong> ayaa sheegay in kulan Muuqaal ah oo Xubnaha Beesha Caalamka la qaateen Xasan Cali Kheyre Ra\u2019iisul wasaaraha Soomaaliya uu kala hadlay Xoriyada hadalka.<\/p>\n<p><strong>Nicolas Berlanga <\/strong>ayaa bartiisa Twitter-ka kudaabacay sidan<strong>: <\/strong>\u201c<strong><em>Dhalliishu waa qeyb ka mid ah Nidaamka Dimoqraadiyadda,\u00a0 xadaynta xoriyadda hadalku ma noqon karto masiibo kale oo safmar ah\u201d\u00a0<\/em><\/strong><\/p>\n<p>Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb <strong>Nicolas Berlanga<\/strong> \u00a0oo hadlaya ayaa sii hadlay ayaa yiri \u201c<em><strong>Haddii suxufiyiintu macluumaadka qaldan baahiyaan, xabsi ama xiritaan ma ahan khiyaar<\/strong><\/em> \u201d.<\/p>\n<p>Safiirka ayaa xubnaha beesha Caalamka kula taliyay in ay sii wadaan wadashaqaynta, isku duwidda, dadaallada wadajirka ah ee lagu xakamayno xanuunka Coronavirus oo maalinba maalinta ka dambaysa ku sii faafaya Soomaaliya.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay caburin ku hayso Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan, iyada oo Urada Saxaafada ay ka dalbadeen Dowladda Faderaalka Soomaaliya in ay sii dayso wariye Maxamed Cabdiwahaab Ajuuba in ka badan 46 maalin u xiran hay\u2019adda Nabad sugida Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka 1 aad ee Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu ka hadlay Xoriyada hadalka iyo helitaanka Macluumaadka Wariyayaasha Howlgalada Soomaaliya. Danjire Nicolas Berlanga ayaa sheegay in kulan Muuqaal ah oo Xubnaha Beesha Caalamka la qaateen Xasan Cali Kheyre Ra\u2019iisul wasaaraha Soomaaliya uu kala hadlay Xoriyada hadalka. Nicolas&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":39305,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39301"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=39301"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/39301\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/39305"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=39301"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=39301"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=39301"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}