{"id":3435,"date":"2018-08-06T08:48:36","date_gmt":"2018-08-06T07:48:36","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=3435"},"modified":"2018-08-06T08:48:36","modified_gmt":"2018-08-06T07:48:36","slug":"maxaabiis-ku-jirta-xabsiga-hargeysa-oo-cuntada-ka-soomay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxaabiis-ku-jirta-xabsiga-hargeysa-oo-cuntada-ka-soomay\/","title":{"rendered":"Maxaabiis ku jirta xabsiga Hargeysa oo cuntada ka soomay."},"content":{"rendered":"<p>Wararka ka imanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland waxaa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa ay cuntada ka soomeen.<\/p>\n<p>Maxaabiista ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ay ku dhaqaaqeen cunta ka soomidda kaddib markii ay sheegeen in Muddada xabsiga ay dhamaeysteen micno la\u2019aanna ku xiranyihiin.<\/p>\n<p>Qoysaska Maxaabiista ee Cuntada u geyn jiray ayaa sheegay in Maxaabiista ay go\u2019aansadeen in ay soomaan si ay u helaan Caddaalad maaddaama ay ku xiranyihiin sharci darro iyaga oo muddo xabsi dhameystayna wali xiranyihiin.<\/p>\n<p>Maamulka Somaliland ayey ehelka ugu baaqeen in ay arrintaas faragelin ku sameeyaan islamarkaana maxaabiidta xorriyaddooda dib loo siiyo maaddaama ay dhameysteen waqtiga xukunkoodu ahaa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka ka imanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland waxaa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa ay cuntada ka soomeen. Maxaabiista ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ay ku dhaqaaqeen cunta ka soomidda kaddib markii ay sheegeen in Muddada xabsiga ay dhamaeysteen micno la\u2019aanna&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":3436,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,76,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3435"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3435"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3435\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3436"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3435"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3435"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3435"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}