{"id":3279,"date":"2018-08-05T05:45:53","date_gmt":"2018-08-05T04:45:53","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=3279"},"modified":"2018-08-05T05:46:55","modified_gmt":"2018-08-05T04:46:55","slug":"ciidanka-itoobiya-oo-xiray-qaar-ka-mid-ah-masuuliyiintii-dowlad-degaanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/ciidanka-itoobiya-oo-xiray-qaar-ka-mid-ah-masuuliyiintii-dowlad-degaanka\/","title":{"rendered":"Ciidanka Itoobiya oo xiray qaar ka mid ah mas&#8217;uuliyiintii dowlad degaanka"},"content":{"rendered":"<p>Wararka saaka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga ah ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah madaxda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.<\/p>\n<p>Ilo ka mid ah Milatariga Itoobiya ayaa u sheegay Wargeyska Adis Standard ee ka soo baxa Adis ababa in Mas&#8217;uuliyiinta Xabsiga la dhigay lagu heysto in ay ka dambeeyeen kacdoonkii shalay ay sameeyeen dhallinyarada Magaalada Jigjiga ee sababay dhaca iyo boobka.<\/p>\n<p>Isha la hadashay A dis Standard waxaa ay sheegtay in Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar la gelin doono Xabsi ay leeyihiin Ciidanka Federaalka islamarkaana muuqaal kooban oo shalay gelinkii dambe laga duubay ay ka duubeen Milatariga Itoobiya.<\/p>\n<p>Xarigga Cabdi Mxamuud Cumar ayaa lagu sheegay in ujeedadiisu tahay in laga hortago dhiig kale oo ku daata Magaalada Jigjiga iyo degaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.<\/p>\n<p>Rabshadihii shalay dhacay kaddib dowladda dhexe ayaa u yeertay Cabdi Maxamuud Cumar waa uu diiday waxaana uu ku hanjabay in uu jibinayo qodobka\u00a039aad ee Dastuurka dalka Itoobiya.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo qofka la hadlay Adis Standard uu sheegay in Ciidamada Liyuu Booliska qaarkood xabsiga la dhigay kaddib markii ay ka amar qaadan waayeen Madaxweynaha dowlad degaanka.<\/p>\n<p><strong>Xigasho:Adis Standard<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wararka saaka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga ah ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah madaxda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Ilo ka mid ah Milatariga Itoobiya ayaa u sheegay Wargeyska Adis Standard ee ka soo baxa Adis ababa in Mas&#8217;uuliyiinta Xabsiga la dhigay lagu&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":3280,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3279"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3279"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3279\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3280"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3279"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3279"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3279"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}