{"id":3258,"date":"2018-08-04T18:48:07","date_gmt":"2018-08-04T17:48:07","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=3258"},"modified":"2018-08-04T18:48:07","modified_gmt":"2018-08-04T17:48:07","slug":"haweenay-lagu-eedeyay-shabaabnimo-oo-maxkamadda-ku-xukuntay-shan-sano-xabsi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/haweenay-lagu-eedeyay-shabaabnimo-oo-maxkamadda-ku-xukuntay-shan-sano-xabsi\/","title":{"rendered":"Haweenay lagu eedeyay Shabaabnimo oo maxkamadda ku xukuntay Shan sano xabsi"},"content":{"rendered":"<p>Basra Maxamed Cali Warsame\u00a0 ayaa 21\/05, ee sanadkan\u00a0\u00a0 ciidamada amniga ka soo qabteen xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa, waxayna xilligaas ciidamada Amniga helaan xog\u00a0 sheegaysa\u00a0 in haweeneyda ay u aheyd keyd haayaha hubka sida\u00a0 Bistooladaha iyo Bam-booyinka Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha Maxkamada.<\/p>\n<p>Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa loo soo gudbiyay eed ka dhan ah eedeysanaha,\u00a0\u00a0 wixii xilligaas ka dambeeyay ayay xafiiska Xeer ilaalinta isku howleen\u00a0 jiritaanka eedda ka dhanka ah eedeysanaha, 15\/07 ee sanadkan ayay soo gaba-gabeeyeen baaristooda,\u00a0 waxaana ay weydiisteen garsoorayaasha\u00a0 Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga\u00a0 waqti qaadista eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame.<\/p>\n<p>28\/07 ee sanadkan ayay ogolaatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo fariisto eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame, waxaana ay dhageysteen\u00a0 garsoorayaasha eedda ka dhanka ah Basra, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay Qareenada difaacayay eedeysanaha in iyana soo bandhigeen sharciyada ay ku diidanaayeen eedda ka dhanka ah Basra Maxamed Cali Warsame.<\/p>\n<p>Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)\u00a0 oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ayaa xilligaas u sheegay dhinacyada dacwadda in dib la isugu soo noqon doono oo ay jirto fadhiya\u00a0 kale xilligaas oo laga dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanaha.<\/p>\n<p>04\/ bishan aynu\u00a0 ku jirno ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkmadda, wax yaabaha dheeraadka oo ay xafiiska xeer ilaalinta\u00a0 soo bandhigeen waxaa kamid ah In eedeysanaha seygeeda oo lagu magacaabi jiray Liibaan Maxamed Cabdikariin (Liibaan Jaraaye) uu ahaa Alshabaab, sanad iyo bar ka horna uu ugu\u00a0 dhintay qarax uu waday degmada Hilwaa, waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen cadeymo kale oo muujinayo in wixii xilligaas ka dambeeyay nin lagu magacaabo khaalid uu ku qanciyay shaqada ay u heeysay Alshabaab.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn garsoorayaasha ayaa go\u2019aan ku gaaray iyagoo eegaya qiraalka eedeysanaha, ka war-celinta jawaabaha ay ku cadeysay garsooraka hortiisa, dhageysiga markaatiyaal uu kamid yahay baaraha kiiska in Maxkamadda Ciidamada Basra Maxamed Cali\u00a0 Warsame\u00a0 ay ku xukuntay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)\u00a0 oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada kooweed ee Ciidamada Qalabka Sida.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Basra Maxamed Cali Warsame\u00a0 ayaa 21\/05, ee sanadkan\u00a0\u00a0 ciidamada amniga ka soo qabteen xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa, waxayna xilligaas ciidamada Amniga helaan xog\u00a0 sheegaysa\u00a0 in haweeneyda ay u aheyd keyd haayaha hubka sida\u00a0 Bistooladaha iyo Bam-booyinka Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha Maxkamada. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa loo soo gudbiyay eed ka dhan ah eedeysanaha,\u00a0\u00a0&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":3259,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3258"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3258"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3258\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3259"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3258"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3258"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3258"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}