{"id":3184,"date":"2018-08-04T10:11:26","date_gmt":"2018-08-04T09:11:26","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=3184"},"modified":"2018-08-04T10:11:26","modified_gmt":"2018-08-04T09:11:26","slug":"rasmi-barcelona-oo-ku-dhawaaqday-saxiixa-arturo-vidal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/rasmi-barcelona-oo-ku-dhawaaqday-saxiixa-arturo-vidal\/","title":{"rendered":"RASMI: Barcelona oo ku dhawaaqday saxiixa Arturo Vidal."},"content":{"rendered":"<p>Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay la soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Arturo Vidal kaas oo noqday saxiixii 4-aad ee ay kooxda la soo saxiixatay xagaagan.<\/p>\n<p>Xiddigan ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Camp Nou isaga oo ay haatan u hartay in uu xiddigu tijaabada caafimaadka u maro kooxda.<\/p>\n<p>Vidal oo ku biiristiisa Barcelona ka hadlaya ayaa yiri\u201d Run ahaantii waan ku raaxaystay wakhtigaygii Bayern Munich waxa aan doonayaa in aan u mahad celiyo kooxda in ay i siisay fursad kale oo aan tartan cusub ka doonto Barcelona\u201d.<\/p>\n<p>Barcelona ayaa saxiixa xiddigan ka afduubatay kooxda Inter Milan kuwaas oo si weyn ugu dhaweyd \u00a0adeegiisa sidoo kale muddo dheer ku raad joogtay.<\/p>\n<p>Vidal ayaa kooxda Bayern Munich ku soo biiray sanadkii 2015 isaga oo kaga soo biiray Juventus waxana uu ku guulaystay 3 koob oo Bundesliga ah.<\/p>\n<p>Kooxda Barcelona ayaa adeega xiddigan u dhaqaaqday si ay ugu buuxiso booskii ay baneeyeen xiddigaha Paulinho iyo Andres Iniesta kuwaas oo xagaagan ka tagay kooxda.<\/p>\n<p>Wargayska Marca ayaa sheegaya in qiimaha lacageed ee u Vidal ugu soo biiray Barca \u00a0uu yahay 20 milyan oo euro iyo 3 milyan oo guno ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay la soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Arturo Vidal kaas oo noqday saxiixii 4-aad ee ay kooxda la soo saxiixatay xagaagan. Xiddigan ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Camp Nou isaga&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":3193,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3184"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3184"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3184\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3193"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3184"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3184"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3184"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}